xasuuqa QasaAnkara(Araweelo News Network)Hogaamiyayaasha wadamadaTurkiga, Qadar iyo Iran ayaa ugu baaqay xukuumadda Masar in ay furto xadka Rafah ee ay la wadaagto Falastiin

 

si loo caawiyo dadka shacbka reer Falstiin ee xasuuqa ay ku hayaan ciidamada Israel.
Turkiga iyo Iran waa labada dal ee keligood hogaamiyayaashoodu sida cad u canbaareeyeen dagaalka Israel ka wado Qasa oo galay maalintii 17aad,waxaana xili danbe kusoo biirtay dawlada Qadar oo qayb ka noqotay hadda ololaha loogu jiro sidii gurmad loogu samayn lahaa dadka reer Falastiin, isla markaana loo canbaarayn lahaa xasuuqa ka socda Qasa oo ay ku nafwaayeen in ka badan 700 qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 4,000 qof oo u badan haween iyo caruur, iyadoo tiro lagu qiyaasay 1.2 mly ka carareen guryohoodii.
Dawlada Masar ayaan wax jawaab ka bixin baaqa kaga yimi sadexdaa dal, iyadoo baaq xabad joojin mala awaal ah oo ay hore ugu baaqeen Masar bilawgii duqaynta Qasa uu dhicisoobay.Kadib markii Ururka Xamaas ku xidhay shuruudo.
Dhinaca kale waxa gebi ahaanba la xidhay Madaarada Diyaaradaha dalka Israel, kuwaas oo ay cabsi geliyeen gantaalaha ay Hamaas kaga jawaabayso weerarka Israel.
Shirkadaha Diyaaradaha ee Dalalka Maraykanka, BritainFrance, Germeny, Canada, Turkiga iyo shirkadaha diyaaradaha dalal badan oo dunida ah ayaa joojiyay duulimaadyadii dhinaca dalka Israel, waxaana albaabada loo laabay madaarka ugu weyn dalkaa ee (Ben Gurion International Airport) iyo madaarada kale ee dalka.

Gantaalaha Xamaas ayaa ku fiday magaalooyinka Israel inta badan, balse lama ogga khasaare balaadhan oo ay geysteen, marka laga reebo saamaynta dhinaca dhaqaalaha iyo cabsida dadka reer Israel.

Xukuumadda Israel, waxay goor sii horaysay kaga  dhawaaqday Idaacad Milaterigu leeyihiin in ay furayso madaar yar oo lagu magcaabo Ovda, kaas oo ku yaal degaanka Eilat oo dhinaca Woqooyiga saxaraha ah ee Negev, isla markaana 60km u jira deegaankaa oo qiyaastii 150km ka fog goobaha iyo deegaamada ay ku dhacayaan gantaalaha ka imanaya Qasa ee Xamaas, iyadoo loogu baaqay shirkadaha caalamiga ah ee Diyaaradaha in ay duulimaadyadii dalka Israel u bedelan karaan Madaarkaa.

Dhinaca kale baaqyo caalami ah oo lagu canbaaraynayo xasuuqa Israel ka wado Qasa ayaa ka bilaabmay dacalada dunida inteeda badan, marka laga reebo wadamada Carabta ee Khaliijka iyo Masar oo dhegaha iyo indhaha ka xidhtay dagaalka sida weyn usoo jiitay indhaha mujtamaca aduunka.
Golaha amaanka oo dhawaaqyada mujtamaca dunida ka jawaabaya ayaa qaraar kasoo saaray xaalada Qasa, iyadoo Hay’adda Xuquuqda Aadamaha u qaabilsan Qaramada Midoobay tilmaantay in waxa Israel ka wado Qasa ay yihiin Xasuuq iyo denbiyo dagaal, balse baaqa golaha amaanka oo nuxurkiisu ahaa xabad joojin iyo in gudi xaqiiq raadis ah loo saaro arrinta Qasa, waxa gaashaanka ku dhiftay Israel oo sheegtay in aanay u hogaansamayn, isla markaana aanay la shaqaynayn gudidaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *