Xasan Sheekh iyo JawaariMogadishu(Araweelo News Network)Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiin kale oo ay horkayaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari, Gudoomiye Ku Xigeenkiisa,Raysal wasaaraha Xukuumadda,Wasiirro,Xildhibaanno, Siyaasiyiin kale oo

 

ka tirsanaa xukuumadihii hore eek u meelgaadhka ahaa oo uu ka mid ahaa Raysal lwasaarihii Xukuumaddi KMG aheyd Prof. Cali Maxamed Geedi, Culumaa’udiin, Abwaano, Fanaaniin iyo kumanaan qof oo ka socday qaybaha kale ee Bulshada ayaa ka qaybaglay Aas qaran oo loo sameeyay Marxuumad Saado Cali Warsame oo ka mid aheyd Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Marxuum C/llaahi Xuseen Yabarow oo isna ka tirsanaa howl-wadeennada Baarlamaanka Soomaaliya. Kadib markii shalay dablay Al-shabaab sheegatay ku khaarajiyeen magalada Muqdisho.

Marxuumad Saado Cali Warsame iyo Marxuumka lala dilay Cabdullaahi Xuseen Yabaroow, waxa lagu Aasay Cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho. Kadib markii lagu tukaday Salaada Jinaasada.

Abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise Sangub oo ka mid ah abwaaniinta Soomaaliyeed ee ay sida aadka ah dhinaca fanka ay isugu dhowaayeen Allaha u naxariistee Marxuum Saado Cali Warsame ayaa si kooban waxa uu saxaafadda ugu faah faahiyey saameynta iyo doorka shaqsiyadeed ee ay Bulshada Soomaaliyeed guud ahaan ku dhex laheyd Marxuumadda la dilay.

Sidoo kale Raysal lwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo ka hadlay aragtidiisa Marxuumadda ayaa xusay in Saado Cali Warsame ay ahayd Wadaniyad jecel dadkeeda iyo dalkeeda, islamarkaana ay umadda Soomaaliyeed aad u tabi doonaan waxaana uu madasha ka ballan qaaday in aanay Dowladdu ka hadhi doonin dhagar-qabayaashii dilay Marxuumadda ilaa cadaalladda laga horkeenno.

Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Jeeylaani Nuur-Iikar, ayaa xusay in Saado aanay ahayn Xildhibaankii ugu horeeyay ee geeriyoota, ama gacan ka xar daran ay disho iyadoo u adeegeysa umaddeeda, balse wuxuu tilmaamay in Xildhibaannada Golaha Shacabka ay sii wadi doonaan howlaha ay u dhaarteen ee Ummada.

Allaha u naxariistee Saado Cali Warsame waxa ay ku dhalatay degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer sanadka markuu ahaa 1950, Waxbarashada Dugsiga Hoose dhexe waxa ay ku qaadaty isla degmadaasi Buuhoodle sanadkii 1977-kii,halka Waxbarashada dugsiga sarena ay ku dhameysatay Dugsiga sare ee Banaadir oo ku yaala Degmada Hodan 1981-kii,waxa ay dooratay iney Xildhibaan noqoto 8 August-2012,waxaana si rasmi ah loogu ogolaaday ka mid noqoshada Baarlamaanka 17August, 2012.

Marxuumadda ayaa ka mid ahayd Haweenka dhinaca Fanka Soomaalida ugu caansan, waxayna soo caan-baxday xiliyadii sideetanadkii oo uu socday halgankii isa soo taryay ee la doonayay in xukunka lagaga tuuro Taliskii Milateri ee Siyaad Bare.
Marxuumadda ayaa wixii ka danbeeyay bur-burkii dawladii Somalia ku noolayd dhinaca Qurbaha oo ay kasoo wargeegtay dhawr sano ka hor, xiligaa oo ay dhanka siyaasada u baydhay, iyadoo aan ka bixin Fankii iyo heesihii ay caanka ku ahayd, waxayna ka mid noqotay Baarlamaanka Somalia August 2012.
INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Araweelo News Network

Mogadishu Somalia

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *