Hargeysa(ANN)Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa dhaliilo aan looga baran oo kulul u jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, iyagoo ka dayriyay siyaasada arrimaha debeda iyo xidhiidhka ay Somaliland la lahayd beesha caalamka, sidoo kale

waxay ka hadleen khilaaf soo shaacbaxay ee maalamahn laga sheegayay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Wadani Axmed Muumin Seed, Afhayeenka Xisbigaasi Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa iyo Cabdilaahi Axmed Daamur oo ka tirsan Guddida fulinta ee Xisbiga Waddan oo maanta Shir Jaraa’id wadajir ugu qabtay Xarunta dhexe ee Xisbiga, ayaa sheegay in siyaasada xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay waajahday kalsoonidaro keentay in xidhiidhkii beesha caalamka wax weyni iska bedelaan.

Afhayeenka Xisbiga Waddani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ugu horayn ka hadlay Shirkaa Jaraa’id waxa uu yidhi,  “Waxaa baryahan iska soo daba dhacaayey baaqayo waxyaabo amniga lagaga dayrinaayo , waxaanta taas keenay ayaanu u aragnaa xisbi ahaan ina y jirto hoos u dhac weyn oo ka yimi dhankii wada shaqaynta xukuumadda talada haysta iyo hay’adda amniga ee caalamiga ah “.

Af-hayeenka xisbiga Waddani oo ka hadlaya dhawaaqyada dhowaan kasoo baxay beesha caalamka ee ku wajaahnaa Somaliland, wuxuu yidhi, ” Waxay gaadhay meeqaamkii ugu hoosaysay ee la gaadho waana ta keentay in ay beesha caalamku amnigii ka walaacaan waana waxay aragtay beesha caalamku Xukuumaddu waxay baal martay sunihii ay mari jirtay Somaliland ee ahaa in ay wax kasta lagu xaliyo qaab madax dhaqameedku dhex gali jireen, iyo culima awdiinta”.

Xildhibaan Buubaa waxa oo uu  ka hadlay khilaafka debeda usoo baxay maalmahan ee ka dhex taagan  Madaxweyne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Waxaad ogtihiin ay uu jiro khilaaf soo kala dhex-galay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo gaadhay in uu madaxweyne ku-xigeenku sii sagootiyi waayo madaxweynaha oo safar u baxaya , waxaan leeyahay may ahayn in uu madaxweynuhu dhoofo isaga oo arrinku halkaasi maraya “.ayuu yidhi Afhayeenku.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *