Dhibaatooyinka ay la kulmeen kumanaan dhalinyaro oo tahriib kaga baxay dalka iyo wararka naxdinta iyo dhiilada xanbaarsanaa ee laga soo sheegayay may noqon kuwo hakiya kumanaan kale.

Hase yeeshee mar kale waxay axsaabta mucaaradku muujiyeen rajo iyo yidiilo. kadib markii loo diyaargaroobay doorashooyinkii golaha wakiiladda Somaliland ee qabsoomay dabayaaqadii 2005, waxayna mucaaradkii Kulmiye ee uu hogaaminayay xiliggaa Madaxweynaha hada Axmed Siilaanyo mar ka dhawaajiyeen bushaarooyin iyo yididiilo ay baaqayeen dhalinyarada, iyagoo ku doodayay in Golaha wakiiladu noqnayaan dabarka xukuumaddii UDUB ee  uu xiliggaa hogaaminayay Madaxweyihii  hore Daahir Rayaale Kaahin.

In kasta oo dhawaaqyada ka imanayay mucaaradka ee ku waajahnaa doorashadii golaha wakiiladda hakisay kumanaan dhalinyaro ah oo ay u qorshaysnayd inay sii wadaan tahriibta sida xawliga ah u bilaabantay. Balse natiijadii doorashada ee ay aqlabiyada golaha wakiiladda ku guulaysteen kuraasta ugu badan labada  xisbi mucaarad ee KULMIYE iyo UCID, waxaba kama bedelin xaaladda, kadib khilaaf la kowsaday golihii Wakiiladda ee cusbaa, taas oo sababtay inay xukuumaddii Daahir Rayaale dhinaceeda dhufays ka gasho golahaa, isla markaana muran iyo khilaaf sababay inay meesha ka baxdo wada shaqayntii fulinta oo xukuumadda ah iyo sharci dejinta oo ah golaha wakiiladda.

Waxaana xiliggaa bilaabmay isku dayo la doonayay in lagu dhexdhexaadiyo xukuumadda iyo golaha wakiiladda, kuwaas oo ay ka qayb qaateen Aqoonyahano, Culimaa’udiin iyo shaqsiyaad kale, balse waxay khilaafyadaasi gebi ahaanba mesha ka saareen rajadii iyo yidiiladii shacbigu ka qabeen inay wax iska bedelayaan xaalada dalka, taas oo ay u dhegtaagayeen kumanaan dhalinyaro ah oo faraha hore ku taagnaa si ay usii wataan qorshoodii tahriibta.

Muranka soo jiitamay iyo dib dhac ku yimi doorashadii Madaxtooyada ee 2008, waxa uu dalka geyeysiiyay xaalad adag oo khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay mashaakilaadka hore uga aloosnaa Xukuumaddii Daahir Rayaale iyo Golaha wakiiladda ee mucaaradku u badnaayeen, waxayna mar kale xaaladu noqotay mid cabsideeda leh, iyadoo ay si weyn uga mooraal jabeen shacbigu mudo kordhin loo sameeyay xukuumadda iyo Golaha guurtida, taas oo ay si weyn mucaaradku uga qayliyeen, isla markaana waxay arrimahaasi sababeen inay mar kale si xawli ah u bilaabanto tahriibtu, iyadoo gobolada qaarkood ay markii ugu horaysay dhalinyaradu raxan raxan u bilaabaan socdaalka murugada badan ee Tahriibta.

Dabayaaqadii 2008 waxa  laga dareemay Magaalooyinka Boorama iyo Berbera kooxo dhalinyaro ah oo mar keliya ka dareeray xaafadaha ay deganaayeen, iyadoo dhalinyarada dhinaca Boorame xiliggaa ka baxday ay inta badan ahaayeen kuwii ka baxay Jaamacadda Amoud Universty, kuwaas oo lagu war helay markii geeridooda lasoo dheegay ee ay ku nafwaayeen saxaraha iyo badweynta u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga oo ay ku naf waayeen, iyagoo doonaya inay u gudbaan dhinaca Gasiiradda Malta si ay ugu gudbaan dalalka Yurub. ……La Soco

By, Carraale M. Jama freelance Journalist and Human Rights Activist
Jaamac132@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *