Nairobi (ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo safar ku jooga xarunta dalka Kenya ee Nairobi ayaa maanta kulan la yeeshay Danjiraha Maraykanka u fadhiya wadanka Kenya Ropert F. Godec, iyo masuuliyiin kale, kuwaas

 

oo ay ka mid ahaayeen Mr. Brian Phipps oo ah ku xigeenka khaaska ah ee xidhiidhka arrimaha Somalia iyo ku xigeenka Agaasimaha USAID Marwo Hodan Hassan.

Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed kulankaa kadib ay kasoo baxay dhinaca xukuumadda Somaliland, kaas oo sharaxaad ka bixiyay ujeedada kulankaa iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen wefdiga Madaxweynaha Somaliland iyo Danjiraha dawlada Maraykanka.

Qoraalka xukuumadda Somaliland kasoo saartay kulankaa ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wafdidigii uu hogaaminayay oo maalmahanba ku sugnaa Dalka Kenya ayaa maanta kulan balaadhan la yeeshay Madax sare oo Maraykan ah oo uu hor kacayay Danjiraha Dawlada Maraykanka u fadhiya Dalka Kenya Ambassador Ropert F. Godec, iyo madax kale oo ay ka mid ahaayeen Brian Phipps, Deputy Special Rep for Somalia, iyo Marwo Hodan Hassan USAID Deputy Director.

Kulankan oo si balaadhan loogu lafo guray arrimaha Nabadgelyada, Horumarka, Dhaqaalaha, Siyaasada, kobcinta Dimuqraadiyada, Xaalada guud ee mandaqada iyo xidhiidhka u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dalka Maraykanka ayaa waxaa hadal dheer ka jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo si balaadhan uga warbixiyay xaallada guud ee Somaliland iyo sida ummada reer Somaliland ay dalkooda hooyo dib ugu dhisteen isla markaasna ay uga go’an tahay inay gaadhaan yoolka ay higsanayaan ee ah inay dunida ka helaan Aqoonsi Buuxa.

Waxa uu Madaxweynuhu aad ugu nuux-nuuxsaday in dalka Somaliland ay ka jirto Nabadgelyo buuxda isla markaasna ay Shacbiga iyo Xukuumada Somaliland iyaga oo gacmaha is haysta ay heeggan buuxa ugu jiraan inay ka hortagaan cid kasta oo

 

Nabadgelyada wax u dhimaysa, waxa kale oo uu Madaxweynuhu tilmaamay in Jamhuuriyada Somaliland ay kaalin muhiim ah kaga jirto la dagaalanka Budhcad badeeda iyo Argagixisada, isla mar kaasna uu xidhiidh qoto dheer oo dhinaca Amaanka ahi uu ka dhexeeyo dalka Somaliland iyo wadamada deriska ah iyo dalalka reer galbeedka, mar kastana ay Somaliland diyaar u tahay sidii ay uga qayb qaadan lahayd xoojinta amaanka ee Mandaqada.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa kale oo ka war bixiyay in Somaliland ay sii wadi doonto wada hadaladii ay la yeelanaysay Dalka Soomaaliya ee ku saabsanaa sidii la isula meel dhigi lahaa xidhiidhka mustaqbalka ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada Soomaaliya, waxaana uu xusay in ay Somaliland diyaar u tahay inay gacan ka geysato wax kasta oo lagu xasilanyo amaanka geeska Afrika.

Danjiraha Maraykanka u fadhiya Dalka Kenya iyo madaxda kale ee la socotay ayaa waxa ay iyaguna dhinacooda si cad u tilmaameen in Aqoonsigii ay dhawaan siiyeen Dawlada Soomaaliya aanu waxba u dhimayn Xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee u dhexeeyay Jamhuuriyada Somaliland iyo Dalka Maraykanka, isla mar kaasna ay sii xoojin doonaan kaalmada uu Maraykanku u fidin jiray Somaliland, waxa kale oo ay sheegeen inay gacan balaadhan ka geysan doonaan arrimaha Horumarka iyo geedi socodka Dimuqraadiyada Somaliland, isla markaasna ay gacan balaadhan ka geysan doonaan Doorashooyinka soo socda, iyaga oo horeba gacan uga geysan jiray doorashooyinkii hore ee dalkeena ka qabsoomay.

Dhinaca kale waxa ay Dawlada Maraykanku Martiqaad u fidisay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo inuu booqosho ku yimaado Dalka Maraykanka, si uu ula kulmo Madaxda kala duwan ee Dalkaasi Maraykanka, waxaana uu Madaxweynuhu Aqbalay Martiqaadkaas iyada oo uu socdaal ku tegi doona Mustaqbalka dhow Dalka Maraykanka.

Kulankan Waxa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Debada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire. iyo Danjiraha Somaliland u fadhiya Dalka Kenya Dr. Maxamuud Cabdilaahi Sifir.

Tan iyo markii wafdiga Madaxweynu ay soo gaadheen Dalka Kenya waxa Madaxweynaha loo qaabilayay si heer sare ah, iyada oo Xukuumada Kenya ay Madaxweyne Siilaanyo u qaabishay heer Madaxweyne oo la mid ah ka ay ku qaabisho Madaxda dunida ee la Aqoonsan yahay, waxaana la siiyay gaadiidka gaarka ah iyo ilaalada gaarka ah ee Madaxweynayaasha loogu talo galay, waxaana ay tani tilmaan cad u tahay xidhiidhka sii xooggaysanaya ee u dhexeeya labada Dal ee Somaliland iyo Kenya.“ ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay xukuumadda Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *