OLYMPUS DIGITAL CAMERAHargeysa(Araweelo News Network)Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa ku eedeeyey xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay ku guul-darraysatay wax-ka-qabashada adeegyada bulshada ee

 

caafimaadka iyo laydhka.

Guddoomiye xigeenka koowaad ee xisbiga mucaaradka ee WADDANI Axmed Muumin Seed, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray  ku sheegay in baddi cusbitaallada waaweyn ee magaalooyinka Somaliland u xidhmayaan daryeel la’aan, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo uu xusay inuu Laydh la’aan darteed u xidhmayo.
“Xisbiga WADDANI waxa uu aad uga walaacsan yahay xaaladda adag ee ay ku sugan yihiin dadwaynaha dan’yarta ah ee tabaya waxyaabihii aasaaska u ahaa nolosha dhammaanteed ee dusha u saaraya xukuumadda talada haysa oo aan kuba baraarugsanayn dhibaatada ay ku sugan yihiin muwaaddiniinta ku rafaadsan waddanka, iyadoo taa beddelkeeda xukuumaddu ku mashquulsan tahay faan badan.

Waxa Xisbiga WADDANI u muuqata cusbitaallada dalka oo xidhmay, iyada oo markii horeba ay aad u yarayd adeega dadwaynuhu ka helaan cusbitaallada guud ee dalka. Waxa xidhmay cusbitaallada Ceerigaabo, kii Laascaanood, kii Caynabo, iyadoo xaaladda laga dayrinayo cusbitaallada waaweyn ee Boorama, Burco, Balligubadle iyo Cusbitaalka Guud ee Caasimadda Hargeysa, waxana nasiib-darro ah in maanta dadku laydh la’aan ugu dhimanayaan Cusbitaalka Guud ee Hargeysa. Sidoo kale, maxkamaduhu inay xidhnaayeen maalmihii ugu dambeeyey oo ay u shaqayn kari waayeen laydh la’aan.

Haddaba, Xisbiga WADDANI waxa uu xukuumadda u soo jeedinayaa in ay iska dayso faanka beenta ah iyo geed-sare-waabka aan ka turjumayn baahida dhabta ah ee muwaaddiniinta ku hoos silcaysa maamuulka xukuumadda,” ayuu guddoomiye Seed ku yidhi warsaxaafadeedkiisa.

Dhinaca kale Injineerrada maamula qaybta farsamada ee Wershadda Korontada iyo qaar ka mid ah madaxda waaxyaha oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wershadda shalay, ayaa shaaciyey in mishiinnada korontadu u fadhiisteen dayactir la’aan iyo masuuliyad-darro, isla markaana waxay fashiliyeen inuu jiro qorshe qarsoodi ah oo xukuumaddu ku doonayso inay ku iibiso wershadda. Waxaanay ugu baaqay Madaxweynaha iyo shacabka reer Hargeysa inay badbaadiyaan wershadda oo adeeg muhiim ah u haysa.

Eng. Axmed Maxamed oo injineerka guud ee wershadda Korontada ilaa waqtigii dib loo aasaasay, ayaa sheegay in tan iyo markii dib loo kiciyey mishiinnada wershaddan dhawr iyo toban sanno ka hor mar walba la sakhirayey dhibaatada mishiinnada hadda fadhiistay oo shaqaynayey ilaa sannadkii 1980-kii.

“Waxaannu u sheegaynaa dawladda iyo dadweynahaba in muddadii wershaddani shaqaynaysay mudnaanta kowaad la siinayey dayn keliya, laakiin wax maalgelin ah oo lagu dayactiray marnaba laguma samayn meeshan, wuxuun baa intaa la dhegaysanayey guuxeeda uun ma guuxaysaa, runtiina waxay noqotay maanta ma guuxayso,” ayuu yidhi Eng. Axmed.

Waxa kale oo injineerka guud fashiliyey qorshe ay xukuumaddu ku damacsan tahay inay iibiso wershadda korontada, waxaannu yidhi, “Shalay (Sabtidii) waxaan raacay Maareeyaha iyo Maareeye-ku-xigeenka oo aannu u tagnay Wasiirka Hawlaha Guud, markii dambena aannu Madaxweyne-ku-xigeenka u wadatagnay, meesha waxa nooga muuqatay in aanay jirinba wax allaale iyo wax ka soo naasacaddi oo siyaasadda halkaasi ka muuqataa tahay dawladdu in aanay maamuli karinba, kulankaasi waxaannu kala kulnay wuxuu ahaa idinku iska sii dhex jooga meesha oo waxaad sii wadi kartaan sii wada, meeshana waaba la iibinayaa inta iib loo helayo.”

Eng. Carab oo isna ka mid ah injineerrada gacanta ku hayey mishiinnada fadhiistay, ayaa isaguna sheegay in mishiinnada wershadda oo tiradoodu ahayd afar ay dhammaantood fadhiisteen, isla markaana ay meesha ka maqantahay awooddii dawladda ee wax lagaga qaban lahaa dhibaatada haysata wershadda.

Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Hay’adda Korontada oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la iibiyo hay’adda korontada, waxaannu yidhi, “Waxaannu aad uga xunnahay in la yidhaa hay’ad dawladeed ayaa la iibinayaa oo shacab lagu wareejinayaa, waayo shirkadaha laydhka ee gaarka loo leeyahay waa la ogyahay dhibaatada ay shacabka ku hayaan, intii yarayd ee wershaddani xumayd ayey dadka doonaya inay gashadaan waydiinayaan wax aanay qaadi karayn. Wershaddani iyada ayaa shidda cusbitaallada, jeelasha, xarumaha agoomaha, talisyada ciidammada iyo meel kasta oo dan guud ah, waxaas oo dhan haddii cid gaar ah loo gacangeliyo la shidimaayo.

“Wershaddani maanta waxay u baahan tahay uun xagga mishiinnada laga caawiyo, hal ama laba mishiin oo degdeg ah xukuumaddu maanta way karaysaa.”

Ku-xigeenka madaxa shaqaalaha hay’adda Korontada Axmed Muxumed Xirsi oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in laydhka ugu badan ee lagu isticmaalo caasimadda Hargeysa ay shido hay’adda Korontada, waxaannu tilmaamay in aanay danta guud iyo dadka danyarta ah midkoodna ku jirin la iibinayo wershadda korontada dawladda.

“Madaxweynaha wershaddu adiga ayey ku sugaysaa ee waxa loo baahan yahay inaad badbaadiso, hadlka ah in la iibinayo wershaddu maaha mid la qaadan karayo,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Axmed Muxumed Xirsi.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *