galkayo1Galkayo(Araweelo News Network)Laba sarkaal oo u shaqaynayay qaramada Midoobay qaybteeda xafiiska darooga iyo denbiyada ee (UNODC ) oo u kala dhashay dalalka Britain iyo Faranch ayaa lagu dilay gudaha

 

Madaarka Magaalada Gaalkayo.
Labadaa Nin oo ahaa saraakiil ka socday xafiiska qaramada Midoobay ee UNODC ayaa kasoo degay garoonka diyaaraddaha Galkayo maanta, iyagoo ka yimi dhinaca magaalada Narirobi.
Dad goob joog ah ayaa sheegay in labadaa Nin ku nasteen madaarka Galkayo qolka VIP, balse nin askari ah oo ka mid ah Ilaalada Madaarka ayaa Askari ka mid ah kuwa madaarka Ilaaliya ka maroojiyay qorigii uu sitay. Kadibna wuxuu ku furay tacshiirad rasaas ah labadaa Nin oo ku jiray qolkaa. Labada Sarkaal oo midkood halkii ku qudhbaxay, halka ka kalena dhaawacii u dhintay marii loola cararay Cusbitaalka Galkayo.
Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in ay xidheen Askiga dilay labadaa Nin iyo askarigii uu qoriga ka qaatay, wuxuuna ku tilmaamay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas arrintaa mid laga xumaado, balse waxa uu sheegay in aanay waxba u dhimayn nabadgelyada Puntlan, isla markaana aanay ka hordhacayn baadhitaanka arrintaa.

Warar la xidhiidha ujeedada socdaalka Labada Nin ee u dhashay dalalka Britain iyo Faranch ayaa sheegaya in ay u qorshaysnayd in ay laba maalmood joogaan Galkayo. Kadibna u gudbaan dhinaca Garowe iyagoo doonayay in ay baadhitaano ku sameeyaan lacagaha laysu xawilo iyo qaabka ay xawaaladaha ku yaala Garoowe iyo Galkayo uga qaybqaataan lacagaha madax-furashada ee Budhcadbadeeda iyo waxyaabo kale, waxayna xogguhu intaa ku darayaan in ay kulamo la yeelan lahaayeen qaar ka mid ah dadka looga shakisanyahay lacagahaa ee maamula xawaaladaha ku yaal Garoowe iyo Galkayo, taas oo loo malaynayo in ay xidhiidh la leedahay sababta dilka labadaa sarkaal.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *