madaxweyne silanyo iyo muuse biixi1Hargeysa(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay sanadguurada 33aad ee kasoo wareegtay markii Ururkii SNM ee dalka xoreeyay lagaga dhawaaqay

 

dalka Britain.
Dhanbaal Madaxweyne Siilaanyo ugu talagalay munaasibadaa ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isaga oo ku hadlaaya Afka Shacbiga Somaliland iyo ka qaranka Jamhuuriyada Somaliland, waxa uu  Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Dhamaanba Mujaahidiintii SNM, meel kasta oo ay joogaan isagoo ugu hambalyeynaya Madaxweynuhu Sannad Guurada 33 aad, oo u astaysan maalinta mujaahidka SNM.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu tilmaamay in mujaahidiintii SNM, halgankii ay soo galeen uu yahay midheheedu kay-nu maanta xor ku nahay, qaran jira ku hogaaminayno, Mustaqbal iyo Rajo wacana aynu hiigsanayno.

Waxay taasi ku timid in muwaadiniin fara-badan oo reer Somaliland ahi naftoodii, xoogoodii, iyo hanta-doodiiba, ay ku bixiyeen inay ku badbaadiyaan, inta badan shacabkooda reer Somaliland oo ay ku noolaadaan nolol xor iyo xalaal ah.

Waa xus iyo xasuus taariikhda ku dhignaan-doona inta qarankani jiro halgankaasi ummaddani ay soo gashay.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu intaasi ku daray in xukuumad ahaan, sidaan horeba u sheegay, diyaar aanu u nahay waxla-qabashadooda, iyo Taageerada Mujaahidka, iyo Agoomihii ay ka tegeen Mujaahidiintii Dalkan u shihiiday.

Ugu danbayna waxa aan ALLE uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo intii dhimatay, Inta naafada iyo Inta kale ee noolna waxa aan ILLAAHAY uga baryayaa inay ku noolaadaan cisi, sharaf iyo Maamuus” ayaa lagu yidhi qoraal saxaafadeedka Madaxweynaha Somaliland.

Dhinaca kale Guddoomiyaha  KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay xuska munaasibadaa oo shalay lagu qabtay Hoolka xarunta shaqaalaha ee magaalada Hargeysa ayaa tilmaamo kooban ka bixiyay taariikhda SNM iyo marxaladihii kala duwanaa ee halgankii ururku soo maray, isagoo xusay in halgankaasi sababay inay Somaliland dib ula soo noqoto madaxbannaanideeda, balse waxa uu qiray in xaasaska iyo agoomihii SNM dayacan yihiin, waxaannu yidhi; “Dhawr iyo siddeetankii waxa Somaliland ka jirtay marxaladdii ugu xumayd ee dagaal, iyadoo masuuliyinta ciidammadeenna  oo kornayl Shaqalle iyo rag uu ku jiray ka mid ahaayeen ku xidhnaayeen aqalladan innagu qabsan iyagoo dil ku xukuman, laakiin toodii baan dhammaan. Waan ogahay duruufaha haysta mujaahidiinta. Waan ogahay dhibka haysta dadkii ay ka dhinteen, hadday carruur tahay iyo hadday xaasaskoodii tahayba, aniguna aad baan uga xumahay, maantana sidaas may ahaadeene waxa innagu badatay dhismihii dalkeenna.”

Guddoomiye Biixi waxa uu sheegay in guulo badan dalku gaadhay muddadii Madaxweyne Siilaanyo hoggaaminayey, isla markaana la qabtay wax badan oo horumarka Somaliland ah.

“Dalkeenna waad ogtihiin horumarka uu gaadhay. Madaxwaynaheennu wuxuu ku dhiirraday oo ku dhacay wax inan rag oo maanta joogaa aannu ku dhici kareen, arrintaasoo ah wadahadalka uu u furay Somaliland iyo Soomaaliya, taasoo maanta qarka u saaran in aynnu aqoonsi ku helno.”

“Haddii KULMIYE la nagu canaanan jiray wax bay qabsan kari la’yihiin, waxaan idiin sheegayaa in aannu shirwaynihii xisbiga qabanaynno toddobaadka soo socda,” ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *