Hargeysa(ANN)Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, ayaa markii ugu horreysay caddeeyey inuu saaxadda siyaasadda ee dalka kula soo laaban doono barnaamijyo iyo murrashaxiin dhiig cusub leh oo uga qaybgala doorashooyinka soo socda. Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed

Yuusuf Yaasin oo
Jamhuuriya iyo telefishanka Royal uga warramay shir albaabadu u xidhan yihiin oo guddida fulinta xisbiga UDUB ku yeesheen shalay hudheelka Crown ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in ay ansixiyeen go’aamo ka soo baxay golaha dhexe ee xisbigooda oo la xidhiidha in la abuuro qorshe uu xusay in loogu magac-daray ‘UDUB-ta cusub.’
Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo iftiiminayey go’aannada ka soo baxay golaha dhexe ee xisbigooda waxa uu yidhi; “Guddidagayaga fulinta ee xisbiga UDUB waxay maanta (shalay) fulinayeen oo ay ansixiyeen go’aankii ka soo baxay golaha dhexe, kuwaasoo ku saabsanaa in xisbiga la ballaadhiyo oo la kala qaado musharraxiinta iyo guddoomiyaha, taas oo u baahatay xeer. Xeerka samayntiisu waxay nagu qaadatay muddo bil ah; aad baannu muhiim u yahay oo waa ka xakamaynaya qof kastoo xisbiga ka mid ah. Waxa kaloo guddiga fulinta ee xisbiga fulintu wadday barnaamijkii xisbiga oo aannu u bixinay UDUB-ta cusub.
Waxaannu ansixinay xeerkayagii oo aannu ballaadhinay, guddiga fulinta ayaana ansixiyey si ku-meel-gaadh ah inta shirweynahayagu dhacayo.”
Madaxweyne-ku-xigeenkii hore oo la la weydiiyey macnaha ay ula jeedaan UDUB-ta cusub, waxa uu ku jawaabay; “Markaan leeyahay UDUB-ta cusub waxa weeyaan barnijkeedii oo ay ballaadhisay in ay musharixiin cusubi yimadaan oo kuwii hore dabada ka riixaan, waana ta aannu u badanahay,” ayuu yidhi Md. Axmed Yuusuf Yaasiin

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *