Hargeysa(ANN)Shir Caalami ah oo lagu lafa Gurayo sidii Beesha Caalamku Somaliland Gacan uga Siin lahayd dhisidda Hay’addo Amni oo Xooggan ayaa maanta ka furmay magaalada Hargeisa, waxana ka qayb galay

,  masuuliyiin kale oo ka  kala socda Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Ingiriiska, Urur Goboleedka IGAD iyo Masuuliyiin  kala duwan oo ka socotay Hay’addaha Somaliland.
Wasiirka Arrimaha debeda Somaliland  Dr. Maxamed C/llaahi Cumar oo furitaankii shirkaa sharaxaad kooba ka bixiyay ujeedada shirka ayaa sheegay in shirka oo soconaya mudo laba maalmood ah, lagu falanqayn doono arrimaha dhinaca amaanka  iyo nabadgelyada Somaliland ee la dagaalanka Argagixisada iyo budhacad –badeeda iyo mushkiladaha hor taagan Hay’addaha amaanka Somaliland, wuxuuna isagoo ka hadlaya arrimahaa yidhi,  “Waxyaabaha hor taagan arrimaha kor loogu qaadayo dhinaca amaanka Somaliland, waxa ka mid ah cunaqabataynta  dhinaca hubka iyo  difaaca Milateriga ee mandaqada  saaran, waana caqabado hortaagan in la balaadhiyo, waana  waxyaabaha lagu soo qaadayo shirkan ee doonayno in aanu dunida usoo bandhigno ee  laga wadahadlo. “ ayuu yidhi Dr.  Maxamed C/llaahi Cumar.
Sidoo kale waxa uu sheegay inay Somaliland u baahantahay taakulayn iyo xoojin dhinaca Hay’addaha amniga, isagoo yidhi, “  Waxa kaloo aanu u baahanahay inaanu taakulayn xaggaa awooda  Hay’addaha nabadgelyada  qaranka Si Somaliland ula jaanqaado  arrimahaa baddan ee mandaqada ka jira is difaaceeda  iyo ilaalinteeda iyo waxtarka Somaliland u leedahay nabadgelyada mandaqada geeska afrika.”
Sidoo kale Sarkaal Col, Gabre  oo ku hadlayay magaca Urur goboleedka IGAD ayaa sheegay inay Somaliland door mihiim ah ka qaadatay nabadgelyada mandaqada, isagoo dhinaca kalena amaanay doorashadii madaxtooyada Somaliland ee kal hore.
Sidoo kale waxa shirkaa ka hadlay masuuliyiin ka socday Ururo iyo Hay’addo  caalamiya iyo weliba Dublamaasiyiin ka socday dawladaha daneeya nabadgelyada iyo amaanka mandaqada, kuwaas oo dhamaantood xusay doorka lagama maarmaanka ah ee Somaliland kaga jirto amaanka gobolka iyo baahida loo qabo in la horumariyo Hay’addaha amaanka ee Somaliland, taas oo wax weyn ka taraysa nabadgelyada iyo xasiloonoda gobolka iyo guud ahaanba dunida. Waxaana la filayaa inay shirkan maalinta beri kasoo baxaan go’aamo waxtar weyn u leh Somaliland iyo Mandaqadaba.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *