Hargeysa (ANN)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa caddeeyey in marar badan kooxo budhcad-badeed ah isku dayeen inay afduubaan maraakiibta isticmaala biyaha Somaliland, isla markaana ciidammada ilaalada xeebuhu

fashiliyeen isku dayadaas.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ka hadlayay shirkii wadatashiga ee qiimaynta nabadgelyada Somaliland oo ka furmay Hargeysa , waxa uu sheegey in aanay Somaliland kelideed awood u lahayn la-dagaalanka budhcad-badeedda iyo argagixisada, sidaa darteedna u baahan tahay taageero caalami ah si loo sii wado dedaalka loogu jiro la-dagaalanka kooxaha amniga guud wax u dhima.

“Somaliland waxay jiidda hore kaga jirtaa la-dagaalanka budhcad-badeedda iyo argagixisada. Waxaannu dhibbanayaal u noqonay weerar argagixisadu nagu soo qaadday sannadihii tegay, marar badanna waxa la isku dayey in la afduubo, weerarana lagu qaado maraakiibta caalamiga ee biyahayaga maraya, laakiin ciidammada ammaanka iyo sirdoonka Somaliland ayaa si guul leh uga hawlgalay, yareeyana xirfadihii iyo dhibaatooyinka weerarrada budhcad-badeedda iyo argagixisada,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda oo hadal ka jeediyey shir lagaga arrinsanayo qiimaynta ammaanka Somaliland oo shalay ka furmay  magaalada Hargeysa.

“Somaliland kaligeed ma sii wadi karto la-dagaalanka argagixisada, xag-jirnimada iyo yaraynta waxyeellaynta amniga, waxaanay u baahan tahay taageero caalamiga si ay shaqada iyo dedaalka u sii wado, taasina waa ujeeddada Somaliland ka leedahay shirkan oo labada casho socon doona,” ayuu hadalkiisa ku soo khatimay Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Wakiil ka socday urur-goboleedka IGAD oo hadal ka jeediyey shirka wadatashiga ah ee ka furmay Hargeysa, ayaa sheegay in Somaliland gaadhay nabad, hirgelisayna dimuqraadiyad iyo caddaalad, waxaannu ku dhawaaqay in IGAD go’aansatay inay la shaqeeyaan Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *