Masuuliyiinta Waddani1Hargeysa(Araweelo News Network) Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay ka  bixitaanka dalka ee shirkadii hawlaha sahaminta shiidaalka ka waday dalka iyo sidoo kale shirkaddaha Diyaaraddaha ee

 

 

joojiyay duulimaadyadoodii Madaarka Hargeysa.

 

Sidaana waxa shir jaraa’id oo ay wadajir Hargeysa ugu qabteen  ku sheegay Gudoomiyaha gudida arrimaha debada Dr. Maxamed Cismaan Fadal, Xoghayaha Guud ee Wadani Maxamed Cabdillaahi (Uur-cade) iyo Cabdirashiid Maxamuud Cali.

 

Gudoomiyaha gudida arrimaha debada Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo ka hadlay arrimahaa, wuxuu  yidhi, “runtii umadda waxa  ku noqotey argagax,  iyada oo aan wax wara lahayn oo aan  la ogayn wax dhibaato ah oo jiray in mar qudha layidhaahdo shirkadii Genel  Energy ee gobalada bari shidaalka ka baadhaysay oo dadka gobaladaa joogayna ay wacyi galin balaadhan u diyaariyeen in hadana mar qudha la maqlo shirkadaasi way ka baxday dalka oo alaabteedii waa ay guratay ,xukuumaduna ilaa hada arrintaa wax ay kaga jawaabtay lama hayo,waana inay shacbiga usoo bandhigtaa sababta keentey ka bixitaanka shirkaddan shidaalka baadhaysay” ayuu yidhi. Fadal.

“waxaanu ka xunahay kana tacsiyadaynaynaa dadkii muwaadiniinta ahaa ee kharashaad iyo saamigu ka galeen iyo shaqaalihii muwaadiniinta ahaa ee ka shaqaynayay, xukuumaddana waxaanu usoo jeedinaynaa inay xaqooda u raadiso dadkaas muwaadiniinta ah’ ayuu yidhi Gudoomiyaha gudida arrimaha debeda ee Waddani.

 

Masuuliyiinta Mucaaridka Waddani, waxa kaloo ay xukuumadda ku eedeeyeen diyaaraddaha joojiyay duulimaadyadii Madaarka Hargeysa, waxayna wasaaradda duulista iyo hawada ku tilmaameen in ay ku fashilantay adeegii ay dadka socdaalka ah u haysay oo aanay jirin garoonkii cusbaana wax duulimaadyo ah oo ka socdaa. “in  diyaaradihii caalamiga ahaa iman waayaan garoonkii diyaaradaha ee magaalada Hargeysa waxay cadaynaysaa in dhismihii garoonka laga waday muddada labada sanno ah uu fashilmay, hantidii loogu talogalayna la lunsaday, waxaanu leenahay wasaaradda duulista iyo hawadu waa ay ku guuldaraysatay adeegii ay bulshada u haysay oo waa taa maanta dhibaatadu  haysato dadkii socdaalka ahaa ee saddexda cisho ku xanibanyihiin Hargeysa, isla markaana wasaaradda duulistu u diiday diyaaradihi inay fadhiistaan garoomada kale ee dalka si ay u dambabasaan fashilaada ku timid dhismihii garoonka diyaaradaha ee Hargeysa” sidaana waxa yidhi  Eng. Cabdirashiid Maxamuud Cali oo ka tirsan gudida arrimaha debeda ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDAN.

 

Saraakiisha Xisbiga Mucaaradka Waddani oo aan looga baran dhaliilahan oo kale inay xukuumadda u jeediyeen, ayaa ugu baaqay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo in ay is casisho, taas oo ay sabab u dhigeen in ay ku fashilantay hawlihii loo igmaday.

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *