daa'uud imtixaanaadka1Hargesa(Araweelo News) Natiijadda Imtixaanaadka dugsiyadda Somaliland ee dalka ayaa iftiimisay fashilaad iyo hoos u dhac weyn oo soo waajahay tayada waxbarashada dusgiyadda Dawlada Somaliland. Kadib markii Xafiiska Imtixaanaadka guud ee Somaliland maanta si rasmi ah

 

ugu dhawaaqay natiijooyinkii imtixanaadkii shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2012/2013.

 

Tirada guud ee ardayda imtixaanaadka u fadhiisatay sanadkan ayaa lagu sheegay 19,352  Arday (sagaal iyo toban kun sadex boqol, konton iyo laba), kuwaas oo 12, 142 (laba iyo toban kun, boqol afartan iyo laba) ay dhiganayeen dugsiyadda Hoose dhexe ee dalka, isla markaana 11, 619 Arday (kow iyo toban kun lix boqol, todobtan iyo sagaal), baaseen oo ku gudbeen imtixankoodii.

 

Sidoo kalena ay dhaceen Arday tirdoodu gaadhayso 193 (boqol, sagaashan iyo sadex)  Arday,  waxaana imtixaanka ka habsaamay 271 (labo boqol, todobaatan iyo kow) arday.

7, 310 Arday oo dhiganayay Dugsiyadda sare ee dalka oo ay dhiganayeen (Todoba kun, sadex boqol iyo toban) , waxana baasay oo ku gudbay imtixaanadkoodii Todoba kun iyo Todoba Arday, mana jiraan Arday dhacday, balse waxa imtixaankoodii dugsiga sare ka habsaamay arday tiradoodu gaadhayso 293 arday.

 

Tobanka Arday ee ugu sareeyay Imtixaanka ayaa dhaamntood noqday kuwa gaarka loo leeyahay, iyadoo natiijadda Imtixaanaadka ee la shaaciyay muujiyay sida tayadda waxbarashadda dusgsiyada dawladu hoos ugu dhacday. Kadib markii la waayay Arday keliya oo ka mid ah tobanka Arday ee u sareeya Imtixaanaadka oo soo galay liiska tobanka Arayday, iyadoo dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Nuuradiin iyo dugsiga SOS ee ay maamusho Hay’adda caalamiga ah ee SOS  kasoo baxeen tobankaa Arday.

Liiska Magacyadda Tobanka Arday ee ugu sareeya Imtixaanka dusgiyadda dalka ayaa ah sidan:

1.     SOS HG                Cabdisamad Suleymaan Xasan Maxamed  Science 716

 

2.     SOS HG    Cabdifataax Cabdi Muuse Maxamed  Science  713

 

3.     Noradin 1 Hoodo Adan Muuse Cajab            =   707

 

4.     Noradin 1 Mustafe Sayid Jaamac Warsame  = 691

 

5.     SOS HG Maxamed Abdi Ibrahim Abdile        =  690

 

6.     Noradin 1 Asia Maxamed Ayuub Xasan       = 688

 

7.     SOS HG   Abdifatah Muuse Adan Ubahle      = 686

 

8.     SOS HG Abdisalan Sa’ad Saed Mahomed    = 683

 

9.     SOS HG Sa’eed Khadar Abdiweli Aw saciid   = 682

 

10. SOS HG Ayanle Cabdilaahi Ali Cilmi               = 681

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *