Hargeysa(ANN)Masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ee UDUB, ayaa kulul ugu eedeeyay xukumada talada haysa in ay wado qorshayaalo lagu mijo xaabinayo madaxbanaanida Somaliland, isla markaana aanay waxba ka fulin Xukuumadda Axmed siilaanyo balanqaadyadii shacbiga. Masuuliyiinta ku hadlayay

 

afka Xisbiga UDUB waxay  sheegeen in Somaliland ay xilligan qarka u saaran tahay burbur soo food saara mustaqbalka, ka dib markii ay talada dalka ay la wareegeen koox aaminsan midnimada Soomaaliweyn, isla markaana meesha laga saaray Saraakiishii SNM eek u jiray xisbiga Kulmiye oo ay lafohooda uga baqayeen xiligii mucaaridka ay ahaayeen sida ay sheegen.

Cabdixaliim Maxamed Muuse oo sheegtay inuu yahay ku simaha Xoghayaha Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, isla markaana xukuumaddii Daahir Rayaale ee lagaga adkaaday doorashadii ka ahaa Wasiir ku xigeenka Ganacsiga oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen xarunta xisbgaa ee magaalada Hargeysa  ayaa  ku tilaamay  xukumadda Siilaanyo mid  ku guudaraysatay dhammaan ballan qaadyadii ay u samaysay dadkii doortay, isla markaana  ay ugu abaal guday xadhig, caga juglayn iyo shaqo ka eryid, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya  yidhi, ” xukuumaddii xilka wareejisay ayaanu ahayn, waxaanuna isla qaadanay in aan la arbushin xukuumadda cusub oo lala shaqeeyo oo wixii ay qabato ee wanaag ah lagu taageero. Laakiin Todoba bilood ka dib waxa soo baxay dareen aan laga aamusi karinanagu  waxa aanu ku wareejinay dal ay xuduudihiisa la wada gaadhay, laakiin waxa dhacday in dhulki Galbeed la wada qabsaday oo ay soo galeen saddex boqol oo askari oo  aan la ogayn waxa ay dalka ka samaynayeen, shaqaalihii dawalad ee ay meesha ugu yimaadeem waxa lagu badelay qaar kale ee maaha shaqaale nidaamin sida ay dawladu ku doodayso, waxa muuqata in isbedelkii la lahaa waa la samaynayaa uu noqday isku bedel, isla markaana noloshii sii adkaato oo maceeshadii qaalli garawdo, taas oo aanay xukuumadduna ilaa hadda ka hadlin.”

Waxa uu sheegay in wax laga xumaaddo ay tahay in Nin wasiir ah, ama   Masuul ah oo wax laga qoray run iyo beenba noqon karto dacwad u gudbiyo xeer ilaalinta oo maxkamad la galo qoraalka yare e laga qoray, isagoo Kitaab gacanta saaraya oo mudici ah, iyadoo ay ku sinayd inuu beeniyo ama iska dhaafo, taas oo aanu u aragno cabudhin lagu samaynayo saxaafada oo aan marnaba loo dulqaadan Karin, waxaana ka codsanaynaa Xukuumadda inay xoriyadooda loo soo celiyo suxufigaa iyo madaxdhaqameedka xidhan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in lacagta laga dhaafay dugsiyada dawladda aanay ahayn wax macne weyn ku fadhiya, isla markaana shaqaalaha la leeyahay waxbaa laydiin kordhiyay iyo waa laydin cashuurayaa aanay wax is qabanaya ahayn. Sidaa awgeed Xukuumadda cusub looga baahan yahay balanqaadyadii ay shacbiga u balanqaaday Eng. Maxamed Xaashina waxa looga fadhiyaa wixii uu qori jiray inuu tuso ummada.

Guddoomiyaha siyaasada ee xisbiga UDUB  Mujaahid Yuusuf Ciise Ducaale (Talaabo), oo ay wada jir u wada qabteen shirkaa Jaraa’id ku simaha xogahayaha   UDUB ayaa sheegay  in xukumada Madaxweyne Siilaanyo ay si cad u marin habaabisay shacabkii oo ay bilowday  qorshayaal  lagu burburinayo qaranka, isla markaasna ay ku guuldaraystay dhamaanba ballanqaadayadii  ay samaysay xiligii ololaha, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Kuwayagii Lacag ayay cuni jireene kuwan qaranimadii ayaan uga baqayaa, waayo raagii aanu meesha uga baqnay ee mujaahidiintii saraakiisha ahaa mid kagama jiro Xukuumadda, waa wada yerkaa arrimaha debeda ee marba ina baayacaya ee shirarka ka qayb gelaya soomaali weynta ah, waxa xukuumaddan lagula soo dhacay waxaan nalagula dhici jirin oo ah kasoo qayb gala shir Soomaali weyn. Hadna waxa la marayaa in  la yidhaahdo halkan shir ugu qabta iyo kasoo qayb gala shir soomaali weyn.   Anigu hadda waan yaabanahay. Sida ay wax yihiin Madaxweynihiina ma arko.”

Guddoomiyaha siyaasada ee xisbiga UDUB Yuusuf Ciise Talaabo, waxa kaloo uu ku dooday inay  meesha ka baxday kalsoonidii ay dadku ku qabeen dawlada, ka dib markii ay soo ifbaxaan calaamado muujiyeen  barnaamijyo dhagaraysan oo ay ku hawlan tahay xukumada talada haysa, waxaana uu yidhi “ waxa  maanta jira waxyaabo badan oo aan anaga qarsoonayn waxa socda hawlo qaranimadeenii baabiinaya  oo waxa muuqda shirar soconaya oo la doonayo in dib loogu mideeyo  Soomaaliya oo halkan shir loogu qabto, dawladeenu waxa ay qayb ka tahay arrimahaa oo niman Soomaaliweyn ah ayaa jooga oo wasiirkii arrimaha dibada waxa uu maanta u duulay London si uu ug qayb galo shir loo qabanayo qolaada  Koonfurtaa oo la yidhi waa idin ku heshaysiinaynaa.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *