Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Somaliland Eng.  Maxamed Xaashi Cilmi  ayaa sheegay in aanay xukuumaddu ku kordhin  ganacsatada wax cashuur ah, balse qiimaha hore loogu sarifi jiray lacagta dollarka ee cashuurta kor loo qaaday, taas oo uu sheegay in markii hore

 

halka dollar ku qiimaysnaa sarifka shilinka somaliland  3500, laga dhigay 4500. Sidaa awgeed aanay jirin wax la kordhiyay oo cashuur ahi.
Eng. Xaashi wuxuu sidaa ka sheegay shir jaraa’iid oo maanta kula hadlayay warbaahinta Somaliland xafiiskaa, isagoo dhinaca kalena waxba kama jiraan k dhigay warar suuqa lasoo geliyay oo shegayay inuu is casilaad u gudbiyay Madaxweyne Siilaanyo.

Wuxuuna isagoo ka hadlaya cabashada ganacsatada yidhi,  “Ma jirto cashuur aanu ganacsatada ku kordhinay, balse si uu sarrifka dollarku sarre ugu kaco waxa aanu suuqyada ku sii dhex daynay lacag, qiimaha sarifka ee la kordhiyay maaha in cashuur la kordhiyay, cashuurtana ma kordhin karno ilaa golaha wasiiradda laga ansixiyo oo golaha baarlamaanku ansixiyo.

Kordhisba  maanaan samayan ee dhismis ayaanu samaynay, waxayna kala garan waayeen in aanu tacriifadii kordhinay iyo in aanu qiimihii kordhinay.”  Ayuu yidhi.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ay maanta baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta guduhu, kuwaas  oo sheegayay  in uu iska casilayo xilka uu umadda u hayo,  laakiin wuxuu isagoo arrintaa ka hadlaya  yidhi,  “Waa war aan sal iyo raad toona lahayn, waligayna kumaan riyoon in aan iska casilo xilka.

Dacaayada ugu way nee igu socotaa waxa weeyaan ina xaashi wuxuun-buu ururiyaa ee waxba ma bixiyo, laakiin waxaan filayaa inay taasi iga hadhayso imika markaan ciidamadii iyo shaqaalihii boqolkiiba boqol u kordhiyey, labada golle ee baarlamaanka mushaharkii u kordhinay ee midkiiba 1500 doolar qaadanayo.” Ayuu  yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland.

Dhinaca kale Ganacstada ayaa si weyn uga qayliyay qiimaha dollarka ee lacagta cashuurta lagaga qaadi jiray ee sarifkiisa la bedelay, kaas oo ay ku tilmaameen mid saamayn ku yeelanay qiimaha maceeshada oo ay si dadban ugu kordhay cashuurtii. Waxyna ganacstada waqtigan badeecaduhu ka yaaliin dekedda magaaladda berbera maanta sameeyeen shaqo joojin, iyagoo aan wax badeecad ah cashuuran.
kordhinaya Dekeda weyn ee magaalada Berbera oo manta oo kale looga bartay in ay ka bilaabmaan shaqooyin xoog leh oo ganacsatada wax kala soo degtaa  kula baxayaan badeecadahooda kala duwan ee dekeda uga soo dega, ayaa gebi ahaanka maanta joogsaday.

Talaabada wasaaradda maaliyadda ayaa sababtay in aanay maanta wax dhaqdhaqaaq ahi ka jirin dekedda Berbera oo waqtigan badeecado kala duwani kasoo degayeen, isla markaana xafiisyada wasaaradda maaliyadda ayaanay shaqaalihii kasoo xaadirin dhinaca Dekedda iyo Madaarkaba. Kadib markii ay ganacsatadii loo cashuuri lahaa badeecadaha ku wargeliyeen xafiisyadaa in aanay waxba cashuuranayn ilaa inta ay xukuumaddu dhegaysanayso cabashadooda.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *