Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed  Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka dhawaajiyay dhismaha guddida la dagaalanka musuq-maasuqa iyo maamul wanaaga oo uu sheegay inay awood u leeyihiin inay madaxweyne ilaa heerka u hooseeya baadhi karaan, si loo helo

 

ayuu yidhi qaran nadiif ah oo ka xorooba musuq-maasuqa iyo maamul xumada.
Madaxweyne Siilaanyo wuxuu sidaa ka sheegay mar uu maanta qudbad kooban ka jeediyay munaasibad loogu wal qalay guddida la dagaalanka musuq-maasuqa iyo maamul wanaaga oo uu hore dhismeheeda ugu dhawaaqay, balse maanta si rasmi ah loogu dhawaaqay dhismeheeda, iyadoo ay kasoo qayb galeen boqolaal qof oo aqoonayahano, masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda,  siyaasiyiin ka socday xisbiyada qaranka, culimaa’udiin, salaadiin, koox ka socotay beesha caalanka  iyo marti sharaf kale, taas   oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.  

“Xaflada aynu maanta isugu nimi waa mid weyn oo aynu ugu dabaal degayno guddida la dagaalanka musuq-maasuqa iyo maamul wanaaga. Markii ololaha lagu jiray waxyaabaha KULMIYE balan qaaday waxa ka mid ahaa la dagaalanka musuqmaasuqa iyo inuu qaranku noqdo mid nadiif ah, hantida keliyi kuma lunto musuqmaasuqa ee waxa ku luma niyada  dadka iyo dalka iyo aayaha danbe ee dhalinayarada. Haya’ddaa oo markii aanu xisbiga ahayn balanqaaday, waxaa loo baahan yahay inay kasoo baxdo abuuritaankeedii iyo waajibaadkeedii.” Sidaa waxa yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka hadlaya sababta keentay abuurista guddida musuq-maasuqa iyo maamul wanaaga.

Wuxuuna balanqaaday inay xukuumad ahaan balanqaadayaan inay la shaqeeyaan ka midha dhalinta gudidda iyo ujeedada loo sameeyay, isagoo yidhi, “Haddii aanu nahayn maamulka maanta jira Madaxweynaha jamhuuriyadda  Somaliland waxaanu u adkaynaynaa oo garab istaagaynaa oo xoojinaynaa Hay’addaa musuq-maasuqa qaranka iyo abuuritaanka maamul wanaaga. Waxa laga yaabaa marka laga hadlayo musuq-maasuqa in cid gaara la eryanayo, waxan beri hore maqli jiray marka dadku shaqada dawladda doonanayo “meeshu dhac-dhac ma leedahay”, macnuhu waxa weeye in la xalaalaystay,ama dadku iska aqbalayay inay tahay wax caadi ah, taas oo  mujtamucuna aqbalayay, waxaynu markaa doonaynaa inay maanta abuuro oo ku dhaqaaqno inay taasi noqoto heerka u sareeya ilaa Madaxweynaha  iyo ka u hooseeya  inay tahay wax xaaraan ah oo aanay ummadu aqbali Karin oo niyad jebisa oo xumaysa.
Maanta dhibaatooyin baddan  iyo cadaw baddan ayaa inagu furan waxa loo baahanyahay inay dadkeena iyo dalkeena dhisno, haday noqoto difaaciisa, hadday shaqo la,aanta noqoto ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo, isagoo markaa ka dibna koox ka socotay beesha caalamka oo madasha lagaga dhawaaqay munaasibadaa u jeediyay hadal kooban oo luqada ingiriisida ah, taas oo nuxurkeedu ahaa ujeedada munaasibada iyo guddida lagaga dhawaaqay.  

Dhinaca kale Sheikh Maxamed Aw Aadan oo ka mid ah culimada waaweyn ee jamhuuriyadda Somaliland oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in  la taageero hay’addan, maadaama buu yidhi loo baahan yahay in lala dagaalamo musuq-maasuqa iyo wax isdaba marin.

Sheekh Maxamed Aw Aadan waxa uu tilmaamay in maamulka wanaagsan lagu garto marka uu la dagaalamo musuq maasuqa iyo wax isdaba marinta, waxaanu xusay in culimada Somaliland soo dhaweynta ka sokow ay la shaqayn doonaan hay’addan si loo yareeyo dhibaatada ay bulshada iyo xukuumaddaba ku keeni karto musuq-maasuqu.

Sidoo kale Guddoomiyaha Guddida Musuq-maasuqa iyo maamul wanaaga Axmed Muxumed Madar oo furitaankii munaasibadaa ka hadlay ayaa ugu baaqay bulshada inay la shaqeeyaan guddida oo ay ogaadaan in denbiga qof galo ee aanu reer gelin. Sidaa awgeed wuxuu si gaara ula hadlay madaxdhaqameedka oo uu sheegay inay lagama maarmaan tahay inay gacan ka siiyaan sidii looga midha dhalin lahaa hawshaa qaranka, isla mrakaana aanay taa macneheedu ahayn inay usoo basaasaan dadka, balse ay gacan siiyaan si uu qaranku u noqdo mid sharcigu shaqeeyo.   

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist  
Araweelonews Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *