Hargeysa(ANN)Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf ayaa sheegay in Xisbiga Kulmiye loo ogolaaday inuu xubin buuxda ka noqdo Golaha Xisbiyada Dimuqraadiga Afrika. kadib markii shir caalami ah oo xisbiyada dumuqraadiga afrika iyo golaha caalamiga ee

 

xisbiyada Dumuqraadiga oo ka furmay dalka galbeedka Afrika ee Ivery Coast uu ka qaybgalay gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Qoraal saxaafada loo tala galay oo uu soo saaray maanta xoghayaha xisbiga Kulmiye Xasan Siciid ayaa  u qornaa sidan:-

“Sida aad la socotaan wax 16/10/1012 Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi socdaal ku tagay Magaalo Madaxda Dalka Ivory Coast ee Abidjan halkaasi oo uu ka furmay shirka Golaha Xisbiyada Dimuqraadiga Afrika (African Liberal Democratic Parties) iyo Shirka Golaha Caalamiga ah ee Xisbiyada Dimuqraadiga ah (International Forum for liberal Democratic parties)

Ugu horay Guddoomiyuhu waxa uu ka qayb galay shirka Golaha Xisbiyada Dimuqraadiga Afrika, halkaas oo uu ka jeediyey khudbad ka turjumaysa Taariikhda Somaliland iyo Horumarka ay Somaliland ka samaysay dhinaca Dimuqraadiyada, waxaanu guddoomiyuhu u sheegay wadamadii badnaa ee ka soo qayb galay shirkaa in ay Somaliland dhisatay haykal maamul Qaran,inay afti u qaaday Distoorkeeda, inay hirgalisay dimuqraadiyad, inay abuurtay qaabka Asxaabta badan, inay qabsatay doorashooyinka Goloyaasha deegaanka, Madaxtooyada iyo Baarlamaanka. Imikana ay mar labaad dib u furtay Asxaabta badan oo ay dhawaan doorashadoodi qabsoomi doonto.

Khudbadaa Guddoomiyaha kadib waxay Madaxdii wadamada ka soo qaybgalay shirkaasi aad ugu amaaneen Somaliland Dimuqraadiyada ka hanaqaaday iyo horumarka ay gaadhay kaalmo dibadeed la’aanteed, waxaanay isla qaateen inay Somaliland Xubin ka noqoto Golaha Xisbiyada Dimuqraadiga ah ee Afrika waxaana si rasmi ah loo ogolaaday in Xisbiga KULMIYE xubin ka noqdo Golaha Xisbiyada Dimuqraadiga Afrika.

Waxa  isla Magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast ka furmay shirka Golaha Caalamiga ah ee Xisbiyada Dimuqraadiga ah, shirkaana wuu ka qayb galay Guddoomiyu waxaanu ka mid ahaa xubnihii khudbadaha ka jeediyey waxaanu uga xogwaramay Taariikhda Somaliland iyo guud ahaan xaaladeheeda.

Golaha Xisbiyada Dimuqraadiga Afrika waxa uu qaraar kasoo saaray (Resolution) ka mid noqoshada Golahaas ee Xisbiga KULMIYE, waxaanay ku sheegeen qaraarkooda in Xisbiga KuLMIYE ka mid noqdo Golahaa.

Ka soo qayb galayaashu waxay cadeeyeen inay Somaliland buuxisay nidaamkii dawladnimada,  isla markaana  ay xaq u leedahay inay hesho aqoonsi caalami ah oo ay siiso beesha caalamku, dalalka sida gaarka ah u taageesanaana qadiyada Somaliland  waxaa ka mid ahaa dalka Sishalis.” ayaa lagu yidhi qoraalka xisbiga Kulmiye.

 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *