Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la filayaa inuu safar ugu baxo maalinta beri 21 Oct 2012 magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. ma jiro war rasmi ah oo la xidhiidha safarka madaxweynaha iyo ujeedadiisa oo kasoo

baxay madaxtooyada Somaliland, balse warar shebekada wararka ee Araweelonews ka ila wareedyo kala duwan oo ka tirsan saraakiisha xukuumadda ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo wefdi uu hogaaminayaa socdaal gaaban ugu baxayaan berbera maalinta Axada ee beri.

 

socdaalka madaxweynaha Somaliland oo aan la ogayn ujeedadiisa iyo qorshihiisa dhabta ah ayaa wararka qaar tibaaxayaan inuu ku waajahan yahay furitaanka Garoon kubada ah oo mudo dhusmihiisu ka socday magaalada Berbera, kaas oo ay maamulka gobolka saaxil iyo Maayarka Berbara mudo sanad ku dhow ka wadeen halkaa. sidoo kale waxay xoggaha la xidhiidha safarka Madaxweyne Siilaanyo ee Berbera tibaaxayaan in aanay ka madhnayn kulamo uu la yeelanayo Odayaasha iyo waxgaradka gobolka Saaxil oo uu kala hadlayo arrimo la xidhiidha maalgashiga gobolka iyo  arrimaha doorashooyinka.
waxa kale oo la filayaa in  Madaxweyne Siilaanyo booqashadiisa kusoo kormeero maxjarada xoollaha, iyadoo xiliggan ay ka dhoofayaan mooshinka xajka.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *