Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa maanta booqasho ku tegey magaalada xeebta ah ee Berbera, isagoo xadhiga ka jaray mashaariic laga hirgeliyay

 

magaalada iyo Dekedda Berbera.
Madaxweyne Siilaanyo wuxuu  si rasmi ah Xadhiga uga jaray Wado laami ah oo isku xidhaysa Madaarka Berbera iyo badhtamaha magaalada Berbera iyo Garoon  Kubada Cagta oo dhismihiisa la dhamaystiray, kaas oo loogu magac daray Maayarka Berbera, isla markaana loo bixiyay Cabadala Stadiam, kaas oo loogu talo galay in lagu qabto tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland.

Safarka Madaxweynaha waxa ku weheliyay Wasiirada Madaxtooyada, Arrimaha Gudaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Wershadaha,Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Qaranka iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana wefdiga Madaxweynuhu soo dhowayn kala kulmeen dadweynaha Tuulooyinka iyo deegaamada u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera oo ay qaarkood kusii hakadeen.

Weftiga Madaxweyne Siilaanyo ayaa Jidka isku Xidha Dacar- budhuq iyo Berbera kula kulmay mudadii ay ku jireen safarkooda gaadhi ku qalibmay oo siday Xoolo laga dhoofinayay dekeda magaalada berbera, iyadoo ciidamada amaanka ee Madaxweynaha la socday ay qaadeen Laba ruux oo ku dhaawacmay shilkaa,kuwaas oo lagu soo dawaynayo Cisbitaalka Guud ee Magaalada Berbera sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah xubnaha wefdiga madaxweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo hadal kooban ka jeediyay munaasibada uu xadhiga kaga jaray garoonka laga hirgeliyay magaalada Berbera, ayaa u mahadnaqay Maamulka Gobolka Saaxil iyo Ka degmada Berbera oo ee hirgaliyay Garoonkaa , isagoo xusay inuu ka qayb qaadan doono horumarka uu Gobolka Saaxil ku talaabsaday ,Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo waxa uu soo jeediyay in Garoonkan loo bixiyo Maayar Cabdala sida ay soo codsadeen ayuu yidhi Mas’uuliyiin kala duwan.

sidoo kale waxa munaasibadaa hadalo kooban ka jeediyay  Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamed Cali Saleebaan (Ramaax) iyo Duqa Magaalada Berbera Cabdale Maxamed Cali, kuwaas  oo ka waramay marxaladihii uu soo maray dhismaha Garoonku, iyagoo  labaduba xusay in Garoonkaa ay u dhamaystiran yihiin waxyaabaha laga rabo inuu garoon weyn oo kubadeed yeesho.

waxa kale oo halkaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda Ciyaaraha iyo Dalxiiska  Somaliland  Cali Siciid Raygal oo sheegay in Wasaarad ahaan ay la socdeen hirgalinta Garoonkan,  isla markaana uu ku faraxsan yahay dhamaystirkiisa.
IMG_3727.JPG
Geba gebadii munaasibada waxa uu Madaxweynuhu Shahaado sharaf gudoonsiiyay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil, Duqa Degmada Berbera, Maareeyaha Dekeda Berbera, iyo Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose ee Berbera.

IMG_3689.JPGIMG_3707.JPGDhinaca kale Madaxweyne siilaanyo, ayaa la filayaa inuu safarkiisa soo geba gebeeyo maalinta beri, isagoo caawa kulamo la yeeshay maamulka gobolka iyo isu duwayaasha wasaaraddaha iyo Hay’addaha dawlada ee gobolka Saaxil. sidoo kale wuxuu kulan la yeeshay Odayaasha iyo waxgaradka gobolka Saaxil oo uu kala hadlay sida ay tibaaxaha iyo xoggaha kasoo baxay sheegayaan arrimaha maalgashiga gobolka, doorashooyinka  iyo arrimo kale.

IMG_3695.JPGIMG_3684.JPG

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *