kulmiye1Hargeysa(Araweelo News Network)Hoggaanka xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa ka hadlay waxa ka jira warar warbaahinta qaarteed ku sheegtay in Madaxweynaha

laga dalbaday dib-u-dhigista shirweynaha 3aad ee u muddaysan 21-ka bishan January iyo jiritaanka in xubno wasiirro ah laga saaray liiska Golaha Dhexe ee xisbigaasi.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), ayaa beeniyey inuu jiro qorshe dib loogu dhigayo shirweynaha oo qabanqaabadiisu hadda si fiican u socota, isla markaana aanay jirin sabab iyo cid dib u dhigi karta cidda sharciga u ogolyahay mooyee.

Md. Shabeel oo waraysi gaar ah khadka telefoonka ku siiyey wargeyska Jamhuuriya, waxa kale oo uu meesha ka saaray inay jiraan xubno wasiirro ah oo laga saaray liiska Golaha Dhexe ee xisbiga, arrintaasi oo qayb ka ahayd waxyaabaha kiciyey cabasho ay sameeyeen Madaxweyne-ku-xigeenku hoggaaminayo.

Ugu horreyn, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee KULMIYE oo wax laga waydiiyey inuu jiro dib-u-dhigis lagu samaynayo shirweynaha xisbiga, waxa uu yidhi, “Arrintaas Madaxweynaha lagama dalban, sharciyana markay noqotana dib-u-dhigista shirweynaha xisbiga Golaha Dhexe ayuun baa leh, horena waakii Golaha Dhexe dib ugu dhigay bishii December, cid kalena awood uma laha in dib loo dhigo oo aan ahayn Golaha Dhexe. Waa wax sharcigiina khilaafsan, macquulna aan ahayn, marmar baaba macquulka iyo sharcigu is-qaataan ee xataa taasi ayaan jirin.

Markaa shirweynaha xisbiga KULMIYE waqtigiisa ayuu ku qabsoomayaa ah 21-ka bisha January, dibna looma dhigin, haddiiba loo baahdo wuxuun baa samayn kara Golaha Dhexe ee xisbiga, laakiin maba jirto sabab dib loogu dhigi karaaba oo waxa socda qabanqaabadiisii oo meel fiican maraysa.”

“Waxa kale oo jira warar aan sal iyo raad toona lahayn oo la leeyahay xubno ka mid ah wasiirrada xukuumadda ayaa laga saarayaa xubinimadii Golaha Dhexe ee KULMIYE. Aniga ayaa ah Guddoomiyaha Golaha Dhexe wax liis ah iyo cid laga saaray Golaha Dhexe toona ma jirto, cid laga saari doonaana ma jirayso ee sidii uu Golaha Dhexe hore u ahaa ee waxna lagu ansixiyey shirkii 2008-dii, qayb nagu ansixiyey shirkii 2012-kii ayey yihiin. Hase ahaatee, waa barobogaadho iyo been aan jirin in wasiirro laga saaray xubinimada Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE,” ayuu yidhi Jaamac-shabeel.

Mar la waydiiyey su’aal ahayd ‘in ay jirto in aannu hoggaanka xisbigu doonayn inuu fuliyo talooyinkii lagu xalliyey khilaafkii hore ee Guddoomiyaha Golaha Guurtidu ku baaqay in aan shirweynaha waxba lagaga beddelin Golaha Dhexe, Guddiga Fulinta iyo Hoggaanka xisbiga toona?’  Waxa uu ku jawaabay, “Horta xisbigu waa dimuqraadi sharci iyo dastuur ayuu leeyahay, dastuurka xisbiguna wax cad ayuu dhigayaa aanay cidina dhaafi karin, wixii ka sakooye dastuurka waa in shirweynaha dhexdiisa looga ololeeyo oo keliya, taasna weli lama gaadhin oo shirweynihiinaba muu qabsoomin, wax iminka cidi ka soo caban kartana ma aha.”

Mar la waydiiyey waxyaabihii Madaxweynuhu kala hadlay kulankii Salaasadii la yeeshay hoggaanka xisbiga iyo dhinaca madaxweyne-ku-xigeenka, waxa uu yidhi, “Cabasho ah liisaskaa aan kuu sheegayey ee la leeyahay cid bay ka saareen Golaha Dhexe ayaa Madaxweynaha loola tagay, wax jirana maaha oo cid xisbiga laga saaray iyo cid la doonayo in laga saaro toona ma jiraan. Annaga Madaxweynuhu wuxuu na waydiiyey ma cid baad xisbiga ka saarteen? Annaguna maya ayuun baannu ugu jawaabnay ee wax kaleba may jirin.

Waxaannu rajaynaynaa oo annagu aannu doonaynaa in shirweynuhu si wanaagsan noogu qabsoomo, wax kale oo aannu doonaynaa ma jiraan, laakiin barobogaandho xad-dhaaf ah oo ah been ujeeddada laga leeyahay aanaan fahmi ayaa socota.”

Ugu dambayn, waxa la su’aalay in xukuumaddu bixisay dhaqaalaha ku baxaya shirweynaha, “Hawlaha qabanqaabada shirweynaha waxa ku shaqo leh Guddiga Qabanqaabada, annagu farogelin kuma lihin. Wixii ay na yidhaahdaan wax nagala qabta mooyee wixii kale iyaga ayaa ku shaqo leh oo aad ka waraysan doontaan,” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel).

Xigasho Jamhuuriya.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *