araweelonewsHargeysa(Araweelo News Network) Xukuumaddaha dalalka Somaliland iyo Somalia yaa jawaabo kala duwan ka bixiyay doorashada madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ee Somalia.

Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in Somaliland ay colaad iyo nabad gelyo labadaba taqaano, waxaanu uga digay maamul goboleedka Puntland inay soo hawaystaan xuduudaha mucaaniyoonka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

“BBC-da aad iyo aad ayay u buun buunisay hadalladii murrashaxiinta madaxtinimadda Puntland, waxaanay mar kasta ku soo darayeen hadalkooda waxaanu ku duulaynaa Somaliland. Somaliland waxay leedahay xuduudo, dawladaha jaarka ahna waxay la wada leedahay xuduudo siday Jabuuti iyo Itoobiya xuduudaha ula leedahay ayay Soomaaliyana xuduudo ula leedahay. markaa ninka yidhaahda Somaliland baan ku duulayaa, Somaliland colaad iyo nabad-ba way taqaanaa. laakiin ninka yidhaahda Somaliland baan ku duulayaa waa balan-qaad been ah,” ayuu yidhi Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda oo ka mid ah masuuliyiinta ka soo jeeda gobolka Sool oo maanta u warramayay laanta afsoomaaliga ee BBC-da.

Baashe Maxamed Faarax  waxa uu sheegay in Maamul goboleedka Puntland aanay u baahnayn colaad ee u baahantahay adeegyadii aasaasigaa ahaa iyo kaabayaashii dhaqaalaha, wuxuuna isagoo arrintaa yidhi, “Puntland waxay u baahan tahay  caafimaad iyo tacliin, Soomaaliyi maanta uma baahna dhiig la daadiyo, Somaliland-na waxay leedahay xuduud iyo ciidan ku filan oo difaaca.”
Gudoomiye Xigeenka Wakiiladda Baashe waxa uu si gaar ah uga hadlay deegaanka Laascaanood, isagoo yidhi, “Laascaanood waa Somaliland, waana dal ka mid ah dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waana laga difaacyaa cidii ku soo duusha,”ayuu intaas raaciyay Baashe Maxamed Faarax.
Dhinaca kale Madaxweynaha Somalia  Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa hanbalyeeyay doorashada Puntland, wuxuuna sheegay in ay tahay tusaale fiican  u tahay dib u dhiska dalka, wuxuuna amaanay Madaxweynaha laga guulaystay iyo  ka guulaystay.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *