wefdiga iyo ObasanjoAddis Ababa(Araweelo News Network)Waftiga Jamhuuriyada Somaliland  uga qayb-galayey wada hadalada dalka Somaliya oo ku sugan magaalada Addis-ababa xarunta dalka Ethiopia, oo maalmaha isoo

 

socda ay u qorshaysantahay in ay u ambabaxaan dalka Turkiga, ayaa maanta magaalada Adis- ababa kulan, kula yeeshay madaxwaynihii hore ee dalka Nigeria Obasango.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland Waftigaa oo uu hogaaminayay wasiirka Arrimaha debadda Somaliland,  Maxamed Biixi Yoonis, waxa kulankaasi ku wehelinayay wasiirka madaxtooyada  Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxayna  madaxweynihii hore ee dalka Nigeria uga xog warameen marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay nabadaytii beelaha, dhismaha dowladnim iyo sababihii keenay in qarinameeda dib-u-lasoo noqoto Jamhuuriyada Somailand.

Waftiga waxay sharaxaad mug leh ay ka siiyeen madaxwaynihii hore ee dalka Nigeria Obasango, guud bahaanba xaalada jamhuuriyada Somailand.  Heerarkii  nabadgalyo, dhismaha dowladnimo iyo dimoqraadi yada Somaliland ay ku talaabsatay oo ku dhisan dhidibo adag oo qawaaniin iyo sharci distoori ah ku qotanta.
wefdiga Somlandethiopia1
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in wefdiga Wasiiradda Somaliland madaxwaynihii hore ee dalka Nigeria Obasango u sheegeen in Somaliland   kaalin nabad-galyo oo muhiin ah kaga jirto gobolka geeska Afrika oo dhibatooyin badan oo soo jiitamay ka jireen mudo dheer.

Waxa kale oo qoraalka lagu xusay in Madaxwaynihii hore ee dalka Nigeria Mr. Obasango uu ku amaanay dowlada iyo shacabka Somaliland horumarka ay gaadheen  iyo talaabooyinka ay qaaday oo  uu sheegay in ay yihiin kuwo u noqonkara tusaale wanaagsan oo inay ku daydaan  wadamo badan oo ictiraaf haysta, waxaanu xusay Mr. Obasango. Muhiiimada iyo sida loogu baahan yahay in beesha caalamku barbar istaagto dadaalka ay wado dowlada Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxweyne  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *