Lawyacado(ANN) Ciidanka amaanka Somaliland ee ku sugan xadka Somaliland la wadaagto Djibouti ee dhinaca xeebta galbeed , ayaa caawa fiidkii gacanta ku dhigay Afar qof oo ajaanib ah, kuwaas oo looga shakiyay inay ku socdeen si ay iga mid noqdaan kooxaha mayalka adage ee Al-shabaab

 

oo dagaalo iyo qaraxyo is miidaamin ah  ka wada Somalia.
Sarkaal ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo ku sugan Lughaya ayaa u sheegay shebekadda wararka ee Araweelonews inay ciidanka Booliska oo kaashanaya Milateriga ay caawa fiidkii gacanta ku dhigeen Afartaa qof oo ah dad ajaanib ah, balse looga shakiyay inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha argagixisada caalamiga ah, isla markaana  ay wadeen qorshayaal  la doonayo in lagu wiiqo amaanka iyo qaranimada Somaliland.
Sarkaa oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso, ayaa sheegay inay Afartaa qof oo Laba  yihiin afrikaan u dhashay dalka Senegal oo ah laba Nin iyo laba qof oo kale oo Nin iyo haweenay u dhashay dalka France, ay kasoo baxeen dhinaca Djibouti maanta, balse ay ciidamada sirdoonka Djibouti oo ku raad joogay dhaq-dhaaqaaqoodu ka daba yimaadeen. Laakiin ay kasoo talaabeen xadka iyagoo usoo gudbay dhinaca Somaliland, taas oo u suurta gelinweyday inay qabtaan sirdoonka Djibouti dadkaa oo ay marka horeba ka shakisanaayeen.  Kadib markii ay markii ay xadka kasoo talaabeen magaalada Lughaya ka mareen dhinaca Koonfureed, iyadoo qarda –jeex ah, isla markaana wata gaadhi nooca dheeraya ah ee loo yaqaan Layla calawi oo wata taarikada Djibouti.
Sarkaalka ayaa sheegay inay markii ay ku wargeliyeen sirdoonka Djibouti kooxdaa ay ku saareen halkaa Ciidanka Booliska oo kaashanaya Milateriga, sidaana lagu soo qabtay dadkaa iyo gaadhigii ay wateen oo ay meel kaga carareen. Kadib markii uu kaga ciladoobay qarada-jeexa iyo dhulka aan wadada ahayn ee ay marayeen.
“Wax aanu ku qabanay oo Hub ahi ma jiraan waa dad ajaanib ah oo laga shakiyay, waxaana la geeyay dhinaca Saylac oo caawa loo gudbiyay, gaadhigiina xerada ciidanka ayuu yaalaa oo waa laga soo jiiday halkii ay kaga tageen, waa dad Muslin ah oo Tukanaya. Laakiin intaa wax dhaafsan kuuma sheegi karo ayuu yidhi sarkaalkaa oo magaciisa codsaday inaan la shaacin.
Ma jiraan warar dheeraad ah oo si cad u sheegaya ujeedada dadkaa iyo waxay u socdeen iyo inay jireen dad kale oo la socday oo dal yaqaan u ahaa, ama ka mid ahaa kooxda la qabtay, balse ciidamada amaanka ayaa klu wada baadhis ujeedada socdaalkooda iyo waxa ay doonayeen,
Kooxda dadka ajaanibka ah ee lagu qabtay Lawyacado ayaa qabashadoodu kusoo beegantay, iyadoo ay ciidmada amaanku ku jiraan heegan dheeraad ah. kadib markii ay qaraxyo aan la mahadin oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhaceen magaalada Muqdsiho ee Koonfurta Somalia.
Sidoo kale arrintan ayaa kusoo beegantay, iyadoo dhawr todobaad ka hor Ciidanka dalka Djibouti ay gacanta ku dhigeen sadex Nin oo dhalinayaro ah oo looga shakiyay inay xidhiidh la leeyihiin kooxda Al-shaab, kuwaas oo xabsiga loo taxaabay. Kadib markii sida ay wararka la xidhiidhaa sheegayaan lagu qabtay waxyaabo muujinaya inay maleegayeeen qorshayaal lagu waxyeelaynayo amaanka dalka Djibouti.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *