http://www.somaliland.org/images/b/2013/03/Xogyaha-kulmiye-Xasan-siciid-3.jpgHargeysa(ANN)Xoghayaha Guud ee xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf ayaa sheegay in Xisbiga tallada haya ee KULMIYE, ay  dib u dhigeen shirweynahoodii oo ay u cayimeen inuu qabsoomo 25-ka Bisha December ee dabo-yaaqada sanadkan.

sidaasna waxa lagu sheegay War-saxaafadeed uu caawa soo saaray Xoghayaha Guud ee KULMIYE Mudane Xasan Siciid Yuusuf, qoraalka saxaafada loo qaybiyay ee lagu sheegay go’aanka dib loogu dhigay shirka ayaa u dhignaa sidan:-

“Hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE kulan uu maanta oo taariikhdu 17/03/2013 isugu yimi xarunta dhexe ee xisbiga ee magaalada Hargeysa, lagagana wadahadlay muddaynta qabashada shirweynaha caadiga ah ee xisbiga KULMIYE waxa uu ku go’aamiyey waqtiga rasmiga ah ee qabashada shirweynaha xisbiga.

Hoggaanka xisbigu KULMIYE, kadib:-

Markii uu la tashaday Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE.

Markii uu arkay soo jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku saabsanayd dib-u-dhigista qabashada shirweynaha xsibiga KULMIYE, iyadoo la waafajinaayo sharciga iyo nidaamka xisbiga, soo jeedintaas oo Madaxweynuhu uu warqad rasmi ah oo sumadeedu tahay JSL/M/1654/032013, kuna taariikhaysnayd 07/03/2013 uu ugu gudbiyey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.

Markii uu garwaaqsaday, si buuxdana ugu qancay sababaha iyo duruufaha waaqiciga ah ee Madaxweynuhu ku saleeyey soo jeedinta dib-u-dhigista qabashada shirweynaha xisbiga.

Markii uu arkay go’aanka sumadiisu tahay GDUSAASQ/17/2013 ee ku taariikhaysan 16/03/2013 ee ka soo baxay Guddiga Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka Somaliland, go’aankaas oo guddigu ku aqbalay dib-u-dhigista muddada shirweynaha xisbiga KULMIYE (Guddida Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka waa hay’adda awoodda sharciga ah u leh ku kaantaroolida axsaabta, hannaanka iyo waqtiga qabsoomida shirweynaha caadiga ah ee xisbiyada qaranka Somaliland).

Waxa uu hoggaanka xisbiga KULMIYE si rasmi ah u go’aamiyey in qabashada shirweynaha caadiga ah ee xisbiga oo hore ugu beegnayd March 31, 2013 dib loogu dhigo December 25, 2013, waqtigaas oo uu si rasmi ah u qabsoomi doono shirweynaha xisbigu. Allaa Mahad leh.” ayaa lagu yidhi qoraalka.
Dhinaca kale waxa mudooyinkan saxaafada kusoo noq noqonayay dhawaaqyo kasoo baxayay qaar ka tirsan saraakiisha xisbiga iyo masuuliyiin xukuumadda ka tirsan, kuwaas oo muujinayay inuu jiro muran ku saabsan qabashada shirweynaha xisbiga.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *