Muqdisho(ANN)Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xabsiga Dhexe ee

 

magaalada Muqdisho, kaas  oo maalmahaan laga dayrinayay xaalada ay maxaabiista ku jirta oo ay soo wajeheen duruufo dhanka caafimaadka iyo nolosha la xidhiidha.

Xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo ah mid gaboobay oo dhisnaa mudo ku dhow boqol sanadood, isla markaana aan   wax dayactir ah lagu samayn  22-kii sanadood ee u danbeeyay, ayaa waqtigan la ciir ciiraya maxaabiis denbiyo kala duwan ku eedaysan oo kor dhaafaya 1,072 maxbuus , kuwaas oo intooda badan garsugayaal ah oo aan la horgeyn garsoorka.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdullahi Abyan Nuur ayaa ka warbixin kooban ka bixiyay duruufaha ka jira xabsiga dhexe, isagoo yidhi, “ Waxaa xabsiga haysta duruufo aan la soo koobi karin, waxaa ka dilaacay cudurka shuban biyoodka, ilaa iyo hada waxa u dhintay labo qof halka 38 qof oo kale uu soo ritay cudurkun, waxaa la siiyey dawooyin oo hada xaalkoodu waa ka soo raynayaa. Waxaa arimahaas sabab u ah nadaafad daro iyo Suuliyada oo aan ku filnayn maxaabiista. Wasaarada caafimaadku waxay ka gaystay gacan weyn sidii loo xakamayn lahaa shuban biyoodka, waxayna soo dirtay dawooyin iyo dhaqaatiir” ayuu yidhi Wasiirka Cadaaladda oo xusay in haddii biyo nadiif ah loo helo maxaabiista ay door muhiim ah ka qaadan karto nolosha boqolaalka maxbuus ee ku jira xabsiga.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay duruufaha xabsiga mid aad looga naxo oo laga murugoodo, wuxuuna sheegay in dowladiisu ay dadaal ugu jirto sidii wax looga qaban lahaa. Raysal wasaare Saacid, isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi, “Waxaa dawladda ka go’an inay wax ka qabato duruufaha ay ku sugan yihiin maxaabiista,waxay dawladdu u samaysay gurmad deg deg ah dadkii uu soo ritay cudurka Shuban Biyoodka, mana aha  mid xabsiga kaliya ku kooban Cudurka shubanku, waxaa kale oo laga soo sheegay magaalooyinka Baladweyn, Jowhar iyo Baraawe” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaruhu, wuxuuna tilmaamay  in aanay dawladdu ku eeganayn xaaladaan adag maxaabiista, wixii awoodeeda ka sareeyana ay la kaashan doonto caalamka.

Ra’iisal Wasaaraha Somalia Saacid, wuxuu kormeer ku  sameeyey qolalka ay ku xidhan yihiin maxaabiistu, iyo goobaha loogu kariyo cuntada, wuxuuna balan qaaday in ay dawladdu ku dadaalayso sidii loo howl galin lahaa xabsiyo hor leh, si culayska looga qaado xabsiga dhexe.

Dhinaca kale Raysal wasaaraha  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in dowladu ay heshay raadadka ilaa saddex kiis oo ku saabsan dilalkii loo geystay in kabadan 20 wariye oo lagu dilay Magaalada Muqdisho labadii sanadood ee u danbeeyay, kuwaas siyaabo kala duwan Muqdisho loogu dilay oo aan cidna loo qaban.

Hase yeeshee waxa uu sheegay inay hadda socdaan baadhitaanno iyo xog ururrin ku saabsan ciddii ka dambeysay dilka ku dhawaad Labaatan wariye, taas oo ay howsheeda wadaan guddi gaar ah oo ay dowladu magcawday oo kaashanaya hey’adaha amaanka, sida uu sheegay Ra’iisul wasaaruhu.

Dhacdooyinka dilalka qorshaysan ee lagu khaarajiyay weriyayaasha iyo kuwo la xidhiidhay in qaar ka mid ah weriyaaysha xabsiga loo taxaabo ayaa canbaarayn caalami ah ay kala kulantay dawlada Somalia, balse Ra’iisul wasaare Saacid waxa uu tilmaamay in ay ka go’an tahay ilaalinta xaquuqda saxaafadda iyo Difaacooda, isagoo sheegay in ay xoojin doonto xukuumaddiisu Dimoqoraadiyadda iyo dhowrida xuquuqda xoriyatul qowlka.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *