Hargeysa(ANN) Ciidanka Booliska ayaa xabsiga u taxaabay Garyaqaan Jaamac Axmed Rooble (Sanyare) oo ka tirsanaan jiray golihii hore ee wakiiladda Somaliland, xiligana ah Garyqaan ka hawlgala Magaalada Berbera.

Garyaqaan Jaamac ayaa Khamiistii todobaadkan xabsiga loo taxaabay kadib markii isagoo ololaya oo ay gubanayaan maryihii uu xidhnaa uu ku leexday maqaaxi ku taal agagaarka masjid Jaamaca Hargeysa, wuxuuna ka dalbaday dadkii Maqaaxida fadhiyay gurmad inay baqtiiyaan, balse dadkii ayaa kala yaacay iyagoo u qaatay inuu qarxayo, waxaana goobta yimi Ciidanka Booliska oo xabsiga u taxaabay Ninkaa sida uu shebekada wararka araweelonews u sheegay qof goob joog ah oo ka mid ahaa dadkii maqaaxida fadhiyay.

“Ninku wuxuu sitay Shandad kuwa Laptop-ka lagu qaato, wuxuuna lahaa “waar i baqtiiya waa sanayare, waa xildhibaankii” laakiin dadkii waxay u qaateen inuu qarxayo kadibna waa laga yaacay goobtii, waxaana markiiba yimi Ciidanka Booliska oo saldhiga geeyay.” sidaa waxa shebekada wararka u sheegtay Haweenay ku sugnayd goobtaa.

Hase yeeshee Garyaqaan Sanyare oo weriye ka tirsan shebekadda wararka ee Araweelonews xalay fiidkii kula  kulamay badhtama suuqa magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in xoriyadiisa loo soo celiyay kadib markii uu xidhnaa laba habeen, wuxuuna isagoo ka hadlaya sida ay wax u dhaceen yidhi,”Niman kuwa Iskaashatada dhagaxa iyo macdanta ka shaqeeya ah oo hore aan tababaro u siiyay ayaa ii yimi waxayna doonayeen inaan dhagxaan u eego, balse markii aan u sheegay inaan fursad hayn oo ay shaqooyin i sugayaan waxay iga codsadeen inaan Berbera ugu soo baadho, waxayna ii dhiibeen caagad yar oo ay ku jirto (sulphuric acid ), taas ayaan ku riday shandadii Laptopka iyo dharku iigu jiray, waxan doonayay inaan quraarad yar kaga wareejiyo, waxaana markaa ku socday Istaanka Gaadiidka ee Berbera. laakiin markii aan mararyay maqaaxiyo u dhow Masjid Jaamaca ayaan dareemay Kulayl  dhinaca Lugta markaan eegayna waxaan arkay surwaalkii aan gashanaa oo daadanaya ololaya, deg deg ayaan maqaaxi ugu leexday waar biyo i siiya aan isku baqtiiyo ayaan ku idhi dadkii. laakiin dadkii aan gurmadka ka filayay ayaa kala yaacay oo u qaatay Nin ku qarxaya, waxaana isku baqtiiyay Biyihii ay weelka ku xalanayeen. kadibna Booliska ayaan ku war helay oo goobta Isku gedaamay, waxaana lay kaxeeyay Saldhiga oo aan ku xidhnaa laba habeen, balse shalay ayaa laysoo daayay markii arrintii cadaatay ee ay ii yimaadeen Ninamkii dhagaxa ee aanu wada shaqaynta lahayn. sidaa ayaana laygu soo daayay, waxayna ahayd mushkilad aniga igu koobnayd.” ayuu yidhi Garyqaan Sanyare.
wuxuuna intaa ku daray inaan khasaare weyni soo gaadhin oo illaahay u sahlay, balse ay ka gudbteen marihii uu sitay ee shandada laptopka ugu jiray.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *