-
Published On: Thu, Oct 21st, 2010

Xisaabiyihii Gobolka Saaxil Iyo Hawl wadeeno Kale Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Smiley face
Share This
Tags

Berbera(ANN) Xisaabiyhii Gobolka Saaxil Axmed Maxamed Sh. C/salaam (Shucayb), ayaa xabsiga loo taxaabay maanta. Sidaana waxa shebekada warbaahinta ee Araweelonwes u xaqiijiyay

warar xog ogaal ah oo aanu ka helay Magaalada Berbera.  
Wararka la xidhiidha xadhiga Xisaabiyaha ayaa sheegaya in lagu eedeeyay inuu gaadiid aan lahayn NumberkaTaarikada Somaliland oo kasoo degay Dekedda Berbera uu sii daayay, Kadibna Badhasaabka gobolku amar ku bixiyay in xabsiga loo taxaabo Xisaabiyaha iyo xubno ka mid ah Hawl wadeenada Xafiiska Laanta Gaadiidka Dadweynaha ee Magaalada Berbera. Bdhasaabka iyo masuuliyiinta kale ee Magaalada Berbera oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino xadhiga Xisaabiyaha iyo hawl wadeenada kale ee la xidhay oo aan tiradooda si rasmi ah loo ogayn, balse ugu yaraan waxa xisaabiyaha ku weheliya xadhigaa mid ka mid ah shaqaalaha xafiiska laanta gaadiidka Daweynaha

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>