Geddo(ANN)Ciidamada Dowladda taagta daran ee Somalia  iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca ayaa Mar kale dagaal Rogaal Celisa kula Wareegay Degmada Beled-Xaawo ee ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Somalia. kadib markii dagaal  qadhaadh  uu ilaa xalay

 ka socday duleedka Degmada Beled-Xaawo, balse wararkii u danbeeyay ayaa sheegaya inay Kooxda Al-shabaab ka bexeen halkaa xalay goor danbe. 
Dagaalka  u dhaxeeyay  Ciidamada Dowladda taagta daran  iyo Kuwa Ahlu Sunna Waljameeca oo isku dhinaca iyo Xarakada Alshabaab ayaa ilaa Shalay galab ka socday hareeraha Magaaladda Beled-Xaawo, kaas oo  dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo u badan dhinacyadii ku dagaalamayay gacan ku haynta degmada Beled-Xaawo, iyadoo ay wararku sheegayaan inay ugu yaraan halkaa ku dhinteen labaataneeyo qof oo dhinacyada dagaalku u dhexeeyay ah.
Gudoomiyaha Ahlu Sunna Waljameeca ee Koonfurta Soomaaliya Sheekh Xassan Qoryoolay ayaa Warbaahinta u sheegay inay la Wareegeen Gacan ku haynta Degmada Beled-Xaawo oo ay haatan ka talinayaan iyaga iyo Ciidamada Dowladda KMG ee uu hogaaminayo Barre Aadan Shirre “Barre Hiiraale”
Dagaalkan oo soo noqnoqanayay ilaa shaley galab ayaa Wuxuu geystay khasaare badan iyo inay dadku ka qaxaan deegaankaa,  waxaana inta laga warqabo  dagaalkas ku nafwaayay in ka badan 20 Qof oo ka tirsan Kooxihii ku dagaalamayay Beled-Xaawo.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in mudadii dagaalku socday Madaafiicda iyo Hoobiyaasha kusoo hoobanayeen  Gudaha Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo, taas oo keentay  Barakac baahsan oo saameeyay dhamaan xaafadaha Magaaladda,  Waxeyna inta badan dadweynuhu u qaxeen Magaaladda Mandheera oo daris la ah Beled-Xaawo.
Degmada Beled-Xaawo ayaa hoy u noqotay todobaadkii  u dambeeyay ciidamo iyo malayshiyaad dhinacyada dagaalku ku dhexmaray, kuwaas oo mid waliba doonayo inuu gacanta ku dhigo deegaankaa, taas oo dadka deegaanka cabsi weyn ku abuurtay. Balse wararkii u danbeeyay ayaa sheegaya inay xalay xili danbe halkaa iskaga baxeen kooxda Al-shabaab, taas oo muujisay xoogay deganaan ah. 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *