Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),  ayaa magcaabay masuuliyiin cusub , kuwaas oo xilal kala duwan loo magcaabay. Kadib digreeto kasoo baxaday xafiiska Madaxweynaha Somaliland xalay, balse magcaabista taliyaha ciidanka

 Ilaalada madaxtooyada ayaan lagu darin warsaaxaafadeedka.   Xilalka cusub ee madaxweynhu u magcaabay masuuliyiintaa oo kala ah,  la-taliyaha madaxweynaha ee xidhiidhka Caalamiga ah iyo aqoonsi-raadinta Somaliland, la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha Golayaasha Baarlamaanka iyo Guddoomiye kuxigeenka guddida la dagaanka msuq-maasuqa iyo ilaalinta xidhiidhka dawlad-wanaaga.
 

Sidaa waxa uu madaxweynuhu ku sheegay warsaxafadeed uu ku saxeexan-yahay Afhayeenka madaxtooyada, kaas oo u dhignaa sidan;-
“Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu soo saaray Digreeto Madaxweyne oo uu ku Magacaabay Saddex Masuul.
 
waxaanu Madaxweynuhu Digreetadiisa ku yidhi :-
 
Markaan akhriyay : Qodobka 90-aad faqradiisa 3-aad ee dastuurka Qaranka somaliland.
 
Markaan Tixgeliyay:        Ahmiyada ay la taliyeyaasha Qaranku u leeyihiin dhismaha qaranka.
 
Markaan Arkay: in baahi wayn loo qabo buuxinta jagooyinkan.
 
markaan ka fiirsaday :    kartida, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo.
 
markaan ku qancay:        in ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay.
 
waxaan go´aansaday:
 
In Dr Maxamed Rashiid Sheekh Xasan laga bilaabo maanta uu ahaado la taliyaha madaxwaynaha ee xidhiidhka caalamiga ah iyo Aqoonsi raadinta somaliland.
 
In Md Maxamed C/llaahi Cabsiiye laga bilaabo maanta uu ahaado la taliyaha madaxwaynaha ee arimaha goleyaasha baarlamaanka.
 
In Xuseen C/laahi Jaamac laga bilaabo maanta uu ahaado guddoomiye ku xigeenka Guddida la dagaalanka musuq maasuqa iyo ilaalinta dawlad Wanaaga.” Ayaa lagu yidhi war saxaafadeedka.
 Dhinaca kale warar xog ogaal ah ayaa shebekada wararka ee Araweelonews u sheegay in Taliyaha Ciidanka madaxtooyada loo magcaabay masuul cusub, kaas oo ah Muj. Faysal Kaamil Ciise, iyadoo xilkii taliyaha ciidanka Madaxtooyada laga qaaday taliyihii hore Abokor Sulub, balse war saxaafadeedka laguma xusin magcaabista taliyahaa ciidaanka Ilaalada madaxtooyada.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *