xildhibaanHargeysa(Araweelo News Network)Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay heshiisyada ay xukuumadu la gasho Shirkadaha caalamiga ah, Heshiisyadaas oo xisbiyada mucaaridku

 

xukuumada eedo uga jeediyeen sifaha ay ula gasho, isla markaana aanay soo marin golaha wakiilada si loogu xalaaleeyo ama ay ula eegaan danta qaranka ugu jirta.

Xildhibaanadani waxaanay sheegeen in xukuumadu gasho heshiisyo badan kuwaas oon laga hadal, la buun-buuniyay heshiis ay wasaarada macadantu la gashay Shirkadaha shidaalka soo saara, waxaa xuseen in uu jiro qodob dastuuri ah oo muran galinaya awooda Golaha Wakiilada ee ku aadan heshiisyada xukuumadu gasho. Waxaanay ku baaqeen in la soo dhaweeyo heshiisyada xukuumada gasho ee bulshada faa’iidada u leh.

Xildhibaanada oo kala ahaa Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi, xildhibaan Axmed Diiriye Nac-nac, Axmed Aadan Diiriye (Sanqoole) iyo Xildhibaan Mahdi C/laahi Maxmed , oo shalay shir jaraa’id oo wada jir ah ku qabtay magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ugu horeyn shirkaasi jaraa’id ka hadalay ayaa sharaxaad ka bixiyay heshiisyada ay xukuumada gasho waxaanu tilmaamay in masuuliyada ay iyadu leedahay distoorkuna u fasaxayo isagoo u cuskanaya qodobo dastuuriya, waxaa isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Dastuurkeena ayaa qeexaya, waxa uu tilmaamayaa qodob ka mida in xukuumada masuul ka tahay horumarinta iyo adeegyada lagaga shaqeynayo in la inticfaadsado khayraadka dabiiciga ah, waa qodob u gaar ah xukuumada kaasi, xaga Golaha Wakiilada waxa uu tilmaamaa in wixii heshiis caalami ah raadna ku yeelan kara culayna ku keeni kara miisaniyada in Golaha Wakiiladu ansixiyo”

Mudane Siciid Maxamed Cilmi waxa kale oo uu intaa ku daray “Marka aad labada qodoba eegto in ay si khaldan shacabkii ugu fasirayaan miyaanay ahayn, labada qodoba midi wuxuu si gaara u siinayaa tasa-rufaadkana ay leedahay ku saabsan khayraadka dabiiciga ah wixii heshiis ah ee cid lala galayo xukuumada ayaa kaa isa leh muran kuma jiro, qodobka mudo aad u badan laysku haystay oo cidiba si u dhigaysaa waaka ku sabsan awooda Golaha Wakiilada in heshiisyada caalamiga ah, dooda taagani waxay noqonaysaa heshiisku goorma ayuu qonayaan heshiis caalami ah. Heshiis ma waxa uu ku kooban yahay ka ay wasaarada macadantu gashay dowladu heshiisyo badan ayay gashay”.

Xildhibaanadii shirkaasi Jaraa’ird ka hadashay ayaa dhamaantood baaq isku mida u jeediyay xisbiyada mucaaradka iyo guud ahaan bulshada Somaliland, in aanay ka hor iman heshiisyada caalamiga ah ee ay xukuumadu soo gasho ee dalka iyo dadka faa’iida u leh oo keeni kara in la aqoonsado Somaliland.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *