breakingnews1Hargeysa(Araweelo News)Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sharci-darro ku tilmaamay fadhi uu Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna

 

 

Guddoomiye-xigeenka afraad isugu yeedhay Guddiga Fulinta ee xisbigaasi maanta gelinka dambe.
War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin, waxa uu ku sheegay in yeedhmada Saylici tahay mid sharciga baalmarsan, isla markaana uu ku waxyeelaynayo hawlaha qabanqaabada shirweynaha 3aad ee xisbiga.

War-murtiyeedkaasi oo dhammaystiranina waxa uu u qornaa sidan;

Shirweynaha 3aad ee xisbigha KULMIYE waxa uu ku mudaysanyahay 21/01/2014, hawshii shirweynaha  waxa gacanta ku haya Gudiga Qabanqaabada ee loo xilsaaray diyaarinta iyo abaabulka shirweynaha, waxaanna u qabsoomay guddiga:

1.       In la doortay  Guddoonkii Guddiga oo kala ah;

Guddoomiye, Guddoomiye-ku-xigeenno, xoghaye iyo Afhayeen

2.      Waxay diyaariyeen  xeer-hoosaadkii hagayey hawlaha Guddiga
3.      Waxay magacaabeen  Guddi-hoosaadyadii u xilsaarnaa hawlaha kala duwan ee Qabanqaabada
4.      Waxay diyaariyeen qorshe hawleedkii  (work  plan) guddigu ku shaqaynlahaayeen.

Hawlahaas oo dhammaan ay guddiga Qabanqaabadu si madaxbannaan u fuliyeen, sidaa darteed, hawlihii Qabanqaabada shirweynuhu waxay u socdaan si habsami ah,  shirweynuhuna waxa uu qabsoomayaa muddadii loogu talogalay sida uu dhigayo xeerka xisbiga KULMIYE.

Fadhiyada Guddiga fulinta xisbiga waxa isugu yeedhi kara Guddoomiyaha xisbiga, ajandeyaasha Guddigana  waxa diyaarinaya Xoghayaha Guud ee Xisbiga.

Sidaa darteed, warqada uu Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland isugu yeedhayo Guddiga Fulinta ee waliba uu ugu yeedhayo gurigiisa uu ku noolyahay, waxa ay baalmarsantahay sharciga iyo hab-dhaqanka xisbiga.

Arrintaasina waxay muujinaysaa shir gaar ah oo lagu wiiqayo habsami-u-socodka  hawlaha qabashada shirweynaha xisbiga, kaas oo  ka gudbay marxalado badan oo hore.

Xubnaha Gudiga Fulintana waxa lagu wargalinayaa in aan shirkaasi waxba jirin,” ayuu ku soo gunnaanaday war-saxaafadeedkiisa Maxamed Kaahin oo daba socday hadal Madaxweyne Xigeenka Somaliland ku dalbaday in ay kulan deg deg ah isugu yimaadaan gudida Fulinta Xisbiga.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *