wasiirka Arrimaha Debeda Dr Biixi YoonisHargeysa(Araweelo News Network)Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in dib loo dhigay wadahadaladii uu Jimcihii tododbaadkii hore uu sheegay in todobaadkan

dib uga bilaabayaan dalka Turkiga.

Wasiirka ayaa sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, kaas oo uu ku shaaciyay in shirkaasi dib uga dhacay xiligii uu hore u sheegay, isla markaana labada dhinac wakhti munaasiba u qabsan doonaan.
Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in dib u dhaca shirka wada hadalka ee loo balansanaa ka yimi dhinaca Dawladda Soomaaliya oo codsatay in dib loogu dhigo, inta uu xukuumaddiisa soo dhisayo Reysal-wasaaraha cusub ee dhawaan dalkaasi loo magacaabay.

“waxay ahayd inaanu maanta (Shalay) u baxno dalka turkiga oo aanu halkaasi Anniga iyo weftiga xukuumadda Somaliland u tegno si aanu ula kulano wefti qolada Xamar ka imanaysay oo aanu wadahadaladii u sii ambo qaadno, markaa waxaa xalay nala soo xidhiidhay Reysal-waaaraha iyo Madaxweynaha Dalkaasi oo naga codsaday inaanu mudadii wada hadalka dib ugu dhigno, maadaama oo aan xukuumaddoodii wali la magacaabin, hadii la magacaabana aanay wasiirradu sharci ku joogayn ilaa la ansixiyo”ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, wuxuuna xusay in ay garwaaqsadeen codsiga dawlada Somalia.

“Arrinkaa waanu garowsanay waanan ka aqbalnay, waxaanay naga codsadeen inaanu bisha 15-keeda uga dhigno, 15-ka bishana annagaa hawlo u baxayna, markaa waxaanu go’aansanay inaanu todobaad ka dib ku celino oo aanu wakhtiga munaasibka ku ah aanu shirka qabano haddii aanu Somaliland nahay, markaa shir bur-buray ma jiro, waanu dhacayaa, laakiin iyagaa u baahan inay isyara diyaariyaan oo Raysal Waasaruhu dawladdiisa dhiso, oo markaa wasiirro sharciya oo taladooda goosan karaa nala hadlaan”.
Wasiirka ayaa sidoo kale, ka hadlay halka ay marayaan fulinta heshiisyadii ay hore u wada gaadheen labada dhinac shirkii ugu dambeeyay ee Turkiga ka dhacay, waxaanu sheegay inay meel fiican marayso arrinta maamulka Hawada oo ahaa qodobkii ugu weynaa heshiiskaasi.
Wuxuuna isagoo ka hadlaya heshiishyadii hore yidhi, “Heshiiskii hore loo wada gaadhay arrinta Maamulka Hawaddu meel fiicanbay maraysaa, waxa nalaga codsaday inaanu min saddex xubnood soo magacowno, Hay’adda Icoa-na ay dhex noo noqoto, “waayo” Waa arrimo farsamo, saddexdii xubnoodna waanu magacownay, diyaarbaanan u nahay, iyagaana waanu ka sugaynaa,waxaanan filayaa inaanu si dhakhso ah u dhamayno hawshaa, wax dhibaato ahina kuma jiraan, waxaanan iminka wadnaa meeshii lagu qaban lahaa hawsha oo ay hay’adda ICOA tidhi Nairobi halugu qabto, annaguna waxaanu doonaynay in Turkiga lagu qabto”ayuu yidhi.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *