Xildhibaano Dagaal Gacanta Laysula Tegey Ku Dhexmaray Golaha Wakiiladda SomalilandHargeysa(Araweelo News Network)Labada Xildhibaan ee  Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (C/raxmaan Dheere) ayaa dagaal gacanta

 

laysula tegey ku dhexmaray  xarunta Golaha wakiiladda, kuwaas oo dagaalkooda lagu macneeyay inuu ka dhashay isku shaandhayntii guddiyada golahaas oo aan wali loo maaro helin khilaafka ka aloosan.

Dagaalka labada Xildhibaan ayaa salka ku haya Loolan adag oo golahaas ka taagan kaas oo saameeyey shirguddoonka Golahaasi iyo Xildhibaanada, waxaanay u egtahay in dagaalkoodu salka ku hayo kala jiidashada xilalka gudiyadda Golahaa oo uu hore uga  mid ahaa guddoomiyayaasha  Cabdiraxmaan Dheere, balse guddoomiyayaasha cusub ee Cirro  dhowaan sameeyay uu ka mid noqday Xildhibaan Rayte.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Caalin ayaa ahaa Guddoomiyihii hore ee guddidii Cadaaladda, halka Xildhibaan Rayte imika loo doortay guddoomiyaha Guddida Arrimaha gudaha, Nabadgelyada iyo Difaaca, waxaanay labadoodu la kala safan yihiin Guddoomiye Cirro oo Mucaarad ah iyo labada ku-xigeen oo Muxaafid ah.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *