Muqdisho(Araweelo News Networ) Warbixin ay soo saaray Mahadka Horumarinta Debda iyo Xarunta Cilmi baadhista ee Heritage ayaa lagu shaaciyay in Hay’addaha gargaarka ee. ka hawlgala

Somalia ay lacag siiyaan Ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira xukuumadda Somalia iyo ciidamada shisheeye eek u suagn halkaa.

Warxixinta ayaa lagu sheegay in Hay’addaha gargaarka ee k a hawlgala Somalia ay lacagahaas  u bixinayaan si ay cuntooyinka iyo deeqaha gargaarka  ah u gaadhsiiyaan deegamada dadka dhibaataysan ay ku sugan yihiin, kuwaas oo inta badan ay maamusho Al-shabaab.

Sida lagu sheegay warbixintaa waxa la oggaaday in sanadkii 2011 oo ay Somalia macaluul iyo abaar bani ka jirtay ay hay’addaha gargaarku deegaamada ay ka talianyeen Al-shabaab si loo gaadhsiiyo caawimooyinka ay lacago malaayiin dollar ah ku laaluusheen.

Hase yeeshe warbixinta waa lagu sheegay in ay weli Hay’adaha qaarkood lacago bixiyaan si ay ugu howlgalaan dhulka ay Al Shabaab ka taliso.

Warbixintan oo ay si wada jir ah u soo saareen machadka Horumarinta Debedda iyo Xarunta Cilmi Baadhista ee Heritage ayaa sheegaytay  in Al-Shabaab  hay’addaha ka dalbadaan lacago si ay ugu oggolaadaan  inay ka hawlgalaan deegamadan ay ka taliyaan.

Dhinaca kale Ururka Al-Shabaab ayaa warbixintu sheegtay in ay hay’addaha ka dalbadaan lacagoi ay ku macneeyaan diiwaan gelin oo gaadhaysa $ 10,000, waxayna warbixintu intaa ku dartay in meelaha qaar Al-shabaab qaybiso gargaarka Hay’addaha qaramada midoobay, kuwaas oo caawimooyinka gargaarka  ee ay Hay’addaha qaramada midoobay ku wareejiyaan u adeegsadeen malayshiyaadka u dagaalama iyo in ay raashin dheeraad ah siiyaan dadka la soo socodsiiya xoggaha la xidhidha dhaq-dhaqaaqyada Hay’addaha gargaarka.
arraweelo.com@gmail.com  

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *