xildhibanka la xukumay1Hargeysa(Araweelo News Network)Maxkamadda gobolka Hargeysa, ayaa Xukun dil ah ku ridday Xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir oo ka mid ahaa Mudanayaasha Golaha Deegaanka

 

Caasimadda Hargeysa, kaasoo ku eedaysnaa dilka Muwaaddin ay Saaxiib ahaayeen oo lagu magacaabi jiray Cabdirashiid Aadan Warsame (C/Rashiid-Dheere).

Xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir, ayay Maxkamadda gobolka Hargeysa soo gebo-gabaysay dhagaysiga dacwadda kiiska uu ku eedaysnaa ee dilka ah, isla markaana waxay maanta ku xukuntay in xukun dil ah lagu fuliyo, ka dib markii uu Xaakinka Maxkamaddu sheegay in dilkaasi ku cadyahay Mustafe oo waqti habeennimo ah uu sheegay inuu dilay Marxuum Cabdirashiid Aadan Warsame.

Maxkamaddu waxay xukunka u cuskatay Eeedaynsane Mustafe Cismaan Daahir Xeerka Ciqaabta guud iyo Shareecada Diinta Islaamka, sida uu sheegay Garsooraha Maxkamadda ee xukunka ku dhawaaqay.

Mustafe Cismaan Daahir, ayaa ka mid ahaa 25-ka Xildhibaan ee ay ka kooban yihiin Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa, kuwaas oo la soo doortay 28-ka Bishii October sannadkii hore ee 2012, wuxuuna golaha deegaanka kasoo galay Urur-siyaasadeedkii UMMADDA oo ka mid ahaa Ururradii Siyaasadda ee doorashadaa ku tartamay, balse aan u gudbin xisbi.

Kursiga Urur-siyaasadeedka UMMADDA ee uu fadhiyey Xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir, waxa buuxin doona sida sharcigu dhigayo Musharrixii ugu soo codka dhawaa ee isaga ku soo xigay doorashadii Golayaasha Deegaanka ee ay isku urur-ka ahaayeen. Hase-yeeshee, lama garan karo waqtiga dilkaas la fulin doono.

info@araweelonews.com

 

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *