Aadan Madeerxildhibaan

Mogadishu(Araweelo News Network)Koox hubaysan oo aan tiradooda la aqoonsan ayaa goor dhowayd ku khaarajiyay gudaha Magaalada Muqdisho Xildhibaan Aadan Sheekh Madeer oo ka tirsnaa Xildhibaanada dawlada Somalia. Kadib

 

markii sida ay sheegaayaan wararka ka imanaya magaalada Muqdisho koox hubaysan ku toogteen Degmada Xamar Weeyne meel aan ka fogayn guriga uu deganaa.

Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay weerarka lagu khaarajiyay Xildhibaan Aadan Sheekh Madeer oo ka mid ahaa Odayaasha ugu da’da weyn xildhibaanada, isla markaana lasoo shaqeeyay xukuumaddihii Cabdillaahi Yuusuf iyo Sheekh Shariif.

Allah ha u naxariistee xidlhibaan Madeer, wuxuu ahaa gudoomiyaha Gudida Maaliyadda ee Baarlamaanka Federaalka, waana xildhibaankii Labaad ee lagu dilo magaalada Muqdisho labadii todobaad ee u danbeeyay.

Xarakadda Al-shabaab ayaa todobaadkii hore sidan oo kale ku khaarajiyay Magaalada Muqdisho Allah ha u naxariistee fanaanadii caanka ahayd ee Saado Cali Warsame oo ka mid ahayd Xildhibaanada Dawlada Somalia.

Afhayeen Al-shabaab Sheekh Cabdicasiis Abbu Muscab, aya sheegay in dilayaan xildhibaan walba oo ka tirsan Baarlamaanka, taas oo uu sheegay in ay hadafkooda tahay ugaadhsiga xildhibaanada iyo madaxda dawlada Somalia, wuxuuna balanqaaday in ay sii wadayaan hawlgalada la laynayo madaxda dawlada Somalia iyo xildhibaanada.

Xildhibaanka la dilay ayaa noqonaya xubintii shanaad ee ka tirsan xildhibanada dawlada Somalia ee lagu dilo magaalada Muqdisho sanadkan gudihiisa, kuwaas oo dhamaantood ay sheegatay hawlgalada lagu khaarajiyay Al-shabaab. 

info@araweelonews.com
Hargeysa Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *