Johannesburg (Araweelo News Network) Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma, ayay soo waajahday dhaleecayn kaga timi magcaabis gabadh uu dhalay, iyadoo

 

lagu eeddeey inuu eex aad u xun sameeyey, kadib markii gabadh uu dhalay oo 25 jir ah u magacaabay jago sare oo xukuumaddiisa ah. sidaana waxa faafiyay Wargeyska caanka ah ee Guardian oo soo xiganaysay Jariirada Mail ee kasoo baxda South Afrika.
Gabadha uu dhalay  Madaxweynaha ee Mss Thuthukile Zuma ayaa hore u haysay jagada xidhiidhka dadweynaha oo  ka shaqaynaysay, iyadoo uga dallacday jagada ugu awoodda badan dawlada ee Madaxa Shaqaalaha, Waaxda xidhiidhka  iyo addeega (Chief of Staff Department of Telecommunications and Postal services ) muddo laba bilood gudahood ah.

Gabadhan yar oo ah ilmaha afraad ee Madaxweynuhu dhalay, ayaa waqtigan mushahar ahaan  u qaadan doonta ku dhawaad milyan dollar sannadkii  amma £55,764 (Shan iyo kontan kun iyo toddba boqol, Afar iyo Lixdan bound).

Haweenaydan da’da yar oo sidata shahaadada darajada koowaad ee cilmiga Anthropology-ga, ayaa jagadan abaheed u magacaabay bishii May, iyadoo ka mid noqotay golaha wasiirrada cusub ee aabbaheed magacaabay.

Jagadan oo aan lagu tartamin, waana mid ka mid ah jaggooyinka ugu awoodda badan xukuumadda, waxanay xisbiga mucaaridka ah ee DA (Democratic Alliance) ku eedeeyeen in madaxweynuhu eex  iyo ceeb ku kacay.
Sidoo kale rayal caamka bulshada reer South Afrika ayaa dhaleecayn u jeediyay Madaxweynaha tallaabada uu gabadha yar ee uu dhalay ugu magacbaay xilkaa cuslus.

Hase yeeshee Madaxweyne Jacob Zuma ayaa difaacay eedaha loo jeediyay xilka uu inantiisa u magcaabay, wuxuuna ku tilmaamay mid ay xaq u leedahay oo aanay xaqeeda iyo aqoonteeda ku waayayn in ay tahay gabadh uu dhalay isaga oo Madaxweyne ah.
Jacob Zuma, ayaa hore u waajahay fadeexado la xidhiidha kufsi iyo faraxumayn ka hor intii aanu qaban jagada Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika. Sidoo kale waxa xiligaa lagu eedeeyay musuq-maasuq, iyadoo dhowaana loo soo jeediyay eedaymo la xidhiidha musuq-maasuq. Kadib markii lagu eedeeyay inuu bishii March lacag gaadhaysa £14 milyan oo Bound uu ku bixyay dib u habayn uu ku sameeyay gurigiisa gaarka ah.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *