antibacterial-soap1Hargeysa(Araweelo News Network)-Isticmaalka haweenka Soomaalida ee Saabuunta (Genital Soap) oo lagu suuq geliyay in ay soo celiso bikranimada gabadhaha, isla markaana

 

wax weyn ka tarto xiliga galmada sariirta, sidaana suuq weyn ku heshay markii malaayiin dumar ah oo dacalada dunida ku kala nool istocmaaleen.

Hase yeeshee dhawrkii sanadood ee du danbeeyay, waxa soo badanayay walaaca dhinaca Caafimaad ee laga qabo saabuuntaa iyo saamaynta ay ku yeelanay nolosha haweenka isticmaala, waxayna dhkhaatiirta caafimaadka aduunku soo saareen dhawrkii sanadood u danbeeyay daraasado lagu oggaaday in isticmaalka (Genital Soap)  soo celinta, ama soo noolaynta Bikranimada Hablaha ay saamayn dhinaca Caafimaadka ah ku yeelatay gabdhaha iyo haweenka kale ee isticmaala, maadaama ay ka samaysantahay kimikals awood badan, kaas oo la ogaaday inuu Ferjiga dumarka Isticmaala ku dhaliyo cudurka khatarta dilaaga ah ee Kansarka, isla markaana ay waajihi karaan haweenka isticmaalaa cuduro ay sababto saabuuntaa oo ah mid kimikooyin badan ka samaysan oo loogu talagalay in dilaan Bakteriyda.

Qaar badan oo ka mid ah haweenka dalalka reer galbeedka oo hore u isticmaali jiray saabuuntaa, ayaa sheegay in ay isbedel dhinaca galmada ah la kulmeen, balse waxay mudo ka dib la kulmeen dhibaatooyin caafimaad, iyagoo la xidhiidhay dhakhaatiirta, waxayna mark kadib daraasaad la sameeyay dhakhaatiirta iyo khubarada caafimaadku ku ogaadeen khatarta saabuuntaa oo ay u bixiyeen waqtigan danbe, ama sanadii u danbeeyay (Soap Killer),saabuunta dilaaga ah.

Saabuuntaa oo dunidu khatarteeda ka digtay, ayaa mudooyinkan danbe isticmaalkeedu kusoo batay dhinaca haweenka Soomalida, kuwaas oo an inta badan waxba kala socon khatarteeda iyo halista caafimaad ee ay leedahay, balse waxa keliya ee ay qaateen magacii lagu suuq geeyay saabuuntaa ee ahaa in ay tahay (Genital Soap), isla markaana ay soo celiso Bikranimadii gabadha.

info@araweelonews.com

Hargeysa Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *