Ceergaabo(ANN)Xildhibaan Ibraahim Jaamac (Rayte) oo ka mid ah golaha wakiillada Somaliland ayaa saluug weyn ka muujiyay qaabkii ay u dhaceen doorashooyinka golaha deegaanka Somaliland, wuxuuna si gaara farta ugu fiiqay musuq-maasuq iyo

ku shubasho uu sheegay inay ka dhacday sanaag.

Xildhibaan  Rayte waxa uu ku dooday in doorashooyinka Golaha Deegaanka ee bishii hore dabayaaqadeedii ka qabsoomay Somaliland aanay ahayn kuwo u dhacay si wanaagsan, balse ay ahaayeen kuwo lagu shubtay, mad-madaw badanina uu ka muuqdo.

“Waxaannu caddaynaynaa in aanay doorashooyinkii ka dhacay halkani (Sanaag) aanay ahayn mid lagu tilmaami karo doorasho, waayo waxa dhacday in nin ka mid ah shacabku uu gaadhi ku qaatay sanduuqii isla markaana uu ku soo guray geed hoostiina uu la tagay” ayuu yidhi Md. Ibraahin Jaamac Cali (Rayte) oo maanta Warbaahinta ugu warramay xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

sidoo kale Xildhibaan Rayte wuxuu sheegay in  sadexda xisbi ee soo baxaya nashqadooda laga soo samaynayo Madaxtooyada oo aan ku imanayn rabitaanka dadka. sidaa awgeed aan doorashadaa lagu tilaami karin mid xor iyo xalaal ahayd oo cadaalad u dhacday,  taas oo uu ku tilmaamay mid nasiibdaro ah.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *