Hargeysa(ANN)Haweenay ka mid ahayd dumarka bacadyaalka ah ee ka ganacsada suuqa ayaa caawa lagu dilay afaafka hore ee Saldhiga Dhexe ee magaalada Hargeysa meel dhawr talaabo u jirta. kadib markii haweenaydaa oo ahayd dumarka Jaadka ka ganacsada

magaceeduna yahay Ardo Muumin uu tooray la dhacay nin dadka birta ka shaqaysta ee tumaalaha ah.

Dhaawaca haweenaydaa oo culus ayaa loola cararay Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, halkaas oo lagu dawaynayo. sida ay sheegeen hawlwadeenada cusbitaalku, iyadoo dhaawaceedu yahay mid khatar ah.
Ninka dilkaa geystay ayaa sida ay wararku sheegayaan saldhiga iskii isu geeyay, isagoo ka dalbaday booliska inay xidhaan.

lama garanayo sababta uu ninkaasi ugu dhaqaaqay falkaa dilka ah ee uu ku fuliyay haweenaydaa iyo waxa ka dhexeeyay, balse ciidanka baadhista denbiyada ee Booliska, ayaa ganacta ku haya falkaa, iyagoo baadhaya sababta ka danbaysa. 

Dhinaca kale Nin dhalinayaro ah ayaa caawa lagu dilay badhtamaha magaalada Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Marxuumka la dilay oo magiciisa lagu sheegay Bashiir Jaamac, waxa ay wararku sheegayaan inuu tacshiirad rasaas ah ku furay nin askari ah oo ka tirsan ciidanka boolisku, kaas oo markii uu falkaan geystay baxsaday.
Booliska ayaa sheegay inay magaalada ka baadhayaan ninkii dilka geystay, waxayna arrintaasi magaalada ka abuurtay cabsi iyo dareen xaasaasi ah.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *