images/stories/dhugad.jpg Hargeysa(ANN)Xildhibaan Cabdillaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) oo mid ah mudanayaasha  ugu magaca dheer Golaha Guurtida, ayaa madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay in aanu cidna uga waaban ka midho dhalinta wixii uu u arko in danta dalka iyo dadku ku jirto, isaga oo shacbiga reer Somaliland ugu baaqay

 inay iimaansadaan hoggaaminta madaxweynaha oo uu ku tilmaamay halyey waayo arag ah.
Xidhibaal Cabdillaahi Xirsi Dhugan oo ka mid ahaa raggii mucaaradada kulul kala hortagay maamulkii madaxweyne Rayaale oo qoraal uu soo saaray xalay soo gaadhsiiyey Jamhuuriya waxa uu ku sheegay in madaxweyne Siilaanyo aanu ahayn nin ku didi kara Gorayo Khaakhlayn, isaga oo digniin u jeediyey dadka saluugsan maamulka Siilaanyo, waxaanu ugu baaqay inay dadkooda dhinac ka raacaan oo la qabsadaan xiliga cusub ee la galay.
Qoraalka Xildhibaan Dhugad soo saaray oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan; Waxaan shaciga, madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka la doortay u soo gudbinayaa salaam iyo hambalyo, shacbiga reer Somaliland waxaan ugu bushaaraynayaa in:-
• Isbeddelka maanta dhacay uu yahay mid muddo dheer la sugayey oo taariikhi ah.
• Inuu yahay hogaan uu la wareegay ruug caddaadi siyaasadeed oo biyo ma daadshe ah.
• Inuu yahay kii dalka iyo dadkan ka soo saaray marxaladihii ugu adkaa ee halgankii SNM.
• Inuu yahay aqoon yahan ku xeel-dheer hoggaaminta bulshada.
Kuwa aan wali iimaansan amma ay u muuqdaan danahooda gaarka ah, waxaan leeyahay iimaansada, dantu ina wada gaadhi mayso ee waxa ina wada gaadhaya caddaalada, la socda xilliga cusub ee la galay, shalay maanta maahee.
Madaxweynuhu ninkii Gorayo khaakhleyn ku didi lahaa maaha, gal dad liq ah ulbaa layskaga dayaa, waar dadkiina iyo dalkiina dhinac ka raaca oo wax la qabsada, annagana hana soo kaakicinina waanu joogaynaaye, waxaannu nahay xog-ogaalkii la socday intuu hawlaha ummadda ku jirayba.
Madaxweyne waxaan leeyahay dalkan iyo dadkan adigaa laguu doortay ee wixi aad u aragto inay ku jirto dantoodu cidna ha uga waaban.
Shacbiga waxaan leeyahay maanta waa Kama dambaystii ee dantiina garta madaxa meel la salaaxo oo ka saraysaa ma jirto, odayga maanta ina hor fadhiyaa waa Axmed Siilaanyo bal xagaynu u dhaafnaa, yaa ka weyn maanta siyaasiyiinta joogta, yaa ka waayo aragsan, yaa ka xaqle oo inoo talin lahaa?
Haddaynu dayno oo u kaadino, waynu dhargi, taynu haynaana wuu isugu keen hagaajin, mid cusubna wuu abuuri, afka caalamka lagula hadlaana wuu yaqaan wax kaleba muu baran, wanaag ayeynu Eebe ka rajaynaynaa hala sugo.”

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 Xigasho Jamhuuriya

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *