Geddo(ANN)Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa isku dhac dagaal dhexmaray . Kadib markii ay kala amar qaadan waayeen saraakiisha hogaaminaysay deegaano Xadka  ay Ethiopia la wadaagto Somalia.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Doolow ayaa xaqiijinaya in Ciidan Itoobiyaan ah ay ku dagaalameen deegaanka Buur Aamino oo ka mid ah tuulooyinka hoos yimaada Doolow, balse ay maamusho Dowladda Itoobiya.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka dagaalka dhex maray Itoobiyaanka ayaa yimid kadib markii ay Amar diido sameeyeen saraakiisha Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Doolow Soomaaliya ilaa iyo Doolow Itoobiya.

Taliyaha Ciidanka Itoobiya ee Doolow ayaa la sheegay in uu faray saraakiisha kale in ay kasoo dhaqaajiyaan Buur Aamino isla markaana dhanka Doolow usoo dhaqaajiyaan si halkaas loo geeyo Ciidan u dhaqaaqa dhanka degmada Luuq.

Taliyahii Ciidanka Itoobiya ee ku suganaa Buur Aamino ayaa la sheegay in uu arrinkaasi kasoo horjeestay isla markaana uu Ciidankii uu taliyaha u ahaa ku Amray in ay ku sugnaadaan deegaankooda kadibna waxaa dhacay dagaal labada ciidan dhex maray.

Dagaalka oo Muddo Hal Saac ah socday ayaa sababay geerida 25 Askari oo Itoobiyaan ah, waxaana ka mid ahaa saraakiil ciidan oo uu ka mid ahaa Taliyihii Ciidanka deegaanka Buur Aamino islamarkaana ahaan jiray Taliyihii ciidanka Itoobiya ee ku sugnaa Warshadda Baastada xiligii ay Muqdisho haysteen.

Wararka ayaa intaasi raacinaya in xerada dagaalku ka dhacay ay kasoo firxadeen Maleeshiyaad Soomaali ah oo Dowladda KMG ah loogu Tababaray halkaasi, Maleeshiyaadkan oo kasoo jeedo gobalada Bay iyo Bakool ayaa iyagoo Firxad ah gaaray degmada Ceelbarde ee Gobalka Bakool.

Itoobiya ayaa horay u sheegtay in aysan fara gelin doonin arrimaha Soomaaliya waxaana jira diidmo ka imaanaysa saraakiisha sar sare ee Ciidanka Itoobiya oo aan weli hilmaamin dhibaatadii kasoo gaartay duulaankii ay Somaliya kusoo qaadeen.

Dowladda Itoobiya weli wax war ah kamasoo saarin dagaalka Daakhiliga ah ee dhex maray ciidankeeda, dadka deegaanka ayaa sheegay in weli ay taagan tahay xiisad u dhaxaysa ciidankii kasoo haray kuwii islaayay.
Xigasho allgedo.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *