-
Published On: Fri, Sep 3rd, 2010

Magaalooyinka Kampala Iyo Nairobi Oo Lagu Arkay Xanuun Mibilada Gacanta La Raaciyay Oo Tiro Dad Ahi U Dhinteen

Smiley face
Share This
Tags

 Nairobi (ANN)Dadka ku Dhaqan Dalalka Kenya iyo Kampala ayaa waxaa soo wajahday Xaalad Murugo ah kadib markii Virus aan la aqoon uu waxyeelo badan u geestay Dad badan oo iyagu isticmaalayay taleefanada Gacanta ah.

 

Virus-kan magaalooyinka uu sida weyn cabsidiisu u saamaysay waxaa ka mid ah magaalada dadka ku dhaqan Magaalooyinka Nairobi iyo Kampala  oo laga shakiyay  in laqabto telefoonada gacanta, isla markaana Soomaalida  ku dhaqan wadamadaa ayaa cabsi weyni soo wajahday. Ka dib markii ay soo baxday sheekada Virus-ku.
wararka qaar ayaa sheegaya in Virus-ka aan la aqoonsan ee haleelaya qofku markuu Mobile gacanta qabto  uu qofka ku faafayo Viruskan oo aan la’ogayn waxa dhabta ah uu yahay, kaas oo  qofka sanka iyo Afka dhiig kakeena.

ilaa inta  la ogyahay 2 qof  ayaa u geeriyootay,  3 kalane waxa ay la il daranyihiin waxyeeladii uu u geestay Viruskan iyadoo  aanay dowladdaha  Kenya iyo Uganda  aaanay ka hadlin,  isla markaana  aanay sidoo kale shirkadaha isgaadhsiinta  wadamadaas aanay ka warbixin.

Soomaalida ku dhaqan dalkaa ayaa cabsi iyo wer wer ka  kamuujiyay  arintaa, iyagoo si weyn uga shakisan telefoonada usoo dhacaya. Dadka qaar ayaa lagu arkay midabkooda  oo isbedalayo , isla markaana arintan ayaa walaac badan durba ku abuurtay Dadka Reer Kenya iyo uganda. 
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>