Hargeysa(Araweelo News Network) Xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir oo ka mid ah xubnaha golaha deegaanka Hargeysa ayaa saaka xabsiga loo taxaabay. Kadib markii lagu eedeeyay inuu xalay abaara afartii subaxnimo ku toogtay meel u dhow Xaafada Sheekh Madar ee Magaalada Hargeysa Marxuum Rashiid Dheere oo ay saaxiibo ahaayeen xildhibaanka.
Taliye xigeenka Booliska Somaliland Caraxmaan Liibaan Axmed ayaa u xaqiijiyay Idaacada BBC-da Laanteeda Af-soomaaliga inay xidheen Xildhibaankaa oo ku eedaysan dilka Ninkaa shicibka ah.
Meydkii Marxuumka dhintay ayaa lagu hayaa Cisbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa, wuxuuna Taliye xigeenka Boolisku sheegay in la baadhayo kiiska dilkaa ee loo hayo xildhibaanka.
