
Taliye xigeenka Booliska Somaliland Caraxmaan Liibaan Axmed ayaa u xaqiijiyay Idaacada BBC-da Laanteeda Af-soomaaliga inay xidheen Xildhibaankaa oo ku eedaysan dilka Ninkaa shicibka ah.
Meydkii Marxuumka dhintay ayaa lagu hayaa Cisbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa, wuxuuna Taliye xigeenka Boolisku sheegay in la baadhayo kiiska dilkaa ee loo hayo xildhibaanka.