Hawlgal ciidanka amaanka Somaliland  xili danbe oo habeen ah ka sameeyeen Dabayaaqadii  February 2013, goobo cayiman oo ka mid  ah Magaalada Caasimada ah ee Hargeysa waxay  kusoo qabteen dad titradooda lagu qiyaasaya ku dhowaad 90 qof, kuwaas oo inta badan lasii daayay maalmo ka dib.

Hawlgalka ayaa lala xidhiidhiyay inuu jawaab u ahaa digiin ay dawlada Britain kasoo saartay dhawr todobaad ka hor xaaaladda amaanka Somaliland oo ay xiliggaa  oo ku beegnayd January 27, 2013, sheegtay  inay jirto cabsi soo waajahday muwaadiniinteeda ku sugan Somaliland. Kadib markii sida lagu xusay digiintaa ay Britain heshay warar cabsi leh oo sheegaya inay jiraan  falal weeraro  iyo afduub ku waajahan muwaadiniinta reer galbeedka ee ku sugan Somaliland, falalkaa oo sida lagu sheegay digniinta ay suurta gal tahay in lagu bar tilmaameedsado dadka muwaadiniinta u dhashay Britain iyo reer galbeedka ku sugan Somaliland . Sidaa awgeed ay si deg deg ah uga baxaan Somaliland.

Inkasta oo ay xukuumadda Somaliland dhawaaqa dawlada Britain ee digniinta ah ka cadhootay, isla markaana ka bixisay jawaab deg deg ah oo ay ku beeninay in ay jiraan waxyaabo muujinaya falal amaan daro ah, haddana hawlgalka ciidamadda Amaanka qaadeen dhawr todobaad ka dib ee lagu qab qabtay dad gaadhaya 90 qof oo laga qabtay dabayaaqadii Febaury goobo cayiman oo magaalada Hargeysa ah, wax ka hdlay wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo hawlgalkaa ku sheegay inuu ahaa mid xidada loogu siibay wixii ka dhawaajiyay dawlada Britain, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Xidada ayaanu u siibnay wixii dawlada Britain sheegtay”.

Dhawaaqa Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland ayaa masaxay jawaabtii ay xukuumadda Somaliland hore uga bixisay digniinta Britain, wuxuuna dhawaaqiisa danbe qiray in ay jirtay khatarta cabsida ku abuurtay dawlada Britain.  

Marka laga yimaado jawaabaha is burinaya ee masuuliyiinta xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo aan ahayn wax ku cusub dhegaha dadka, waxa dhawr todobaad ka dib markii hawlgalkaa ay qaadeen ciidamadda amaanka Somaliland oo ay taageerayaan sirdoonka Britain soo baxay warar laysla dhexmarayay oo sheegayay in dadkii la qabtay dhamaantood la sii daayay. Kadib markii ay masuuliyiin kuwa xukuumadda ugu awooda badan oo ay ka mid yihiin wasiirka madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali, wasiirka arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) iyo xubno kale oo ka mid ah kooxda Mayalka u haysa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo faragelin ku sameeyeen intii aanu dhamaan badhitaankii dadk hawlgalka lagu soo qabtay, marka laga reebo kuwii baadhitaanka u horeeyay lagu sii daayay, iyadoo aan la ogayn ilaa hada qof ka mid ah dadkaa oo maxkamad lasoo taagay iyo tirada haddii ay jiraan qaar ka mid ah dadkaa oo hawlgalkii lagu fuliyay  qabashadooda uu ahaa mid baaxad weyn oo muujinayay  inay jiraan xoggo iyo macluumaad tasmi ah oo ku  khasbayay Ciidamada amaanka Somaliland  oo kaashanaya sirdoonka Britain ee  la shaqeeya  ay fuliyaan hawlgalkaa oo saacado danbe goor habeen ah la fuliyay.

Hase yeeshee hawlagalkaa ka dib  Ciidanka Sirdoonka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Koox dhalinayaro ah oo ka mid ahaa Ciidankooda, kuwaas oo  todobaad ka dib la xidhay, iyagoo ku jira shaqadooda.
Dhalinyaradaa  oo kala ah Khadar Dahir jama  oo 26 jir ah, Cabdinaasir Hasan Ibrahim 26 jir ah, Naasir Muse Yusuf 33 jir ah, Mohamed Ibrahim Salaad 27 jir ah, kuwaas oo  dhamaantood ka tirsanaa sirdoonka qaranka. Sidoo kale waxay ciidamada amaanku xidheen Axmed Ibraahin Axmed  (Darmaan) oo ay saaxiibo ahaayeen dhalinayaradaa, isla markaana ka mid ahaa Ciyaartoydka Ciidanka Qaranka Somaliland.

Axmed Ibraahin Axmed  (Darmaan) 28 Jir ah,  oo ciidanka amaanku hore u xidheen, balse lasii daayay mudo ka dib markii la waayay wax denbi ah oo Maxkamad lagu horgeeyo, laakiin  mar kale 18 Febaury 2013, ayaa  hawlgalka danbe ee  ciidanka Boolisku kaga qabteen suuqa, kaas oo  ahaa mid  ciidanku u xidheen qaab afduub ah, sida ay sheegeen ehelada qoyska Axmed Darmaan oo marar badan ka hadlay qaabka loola dhaqmay wiilkooda iyo sababta maxkamad loo hor geyn waayay ee xabsiga loogu hayo, maadaama uu sida ay sheegeen qoyska Axmed Darmaan uu yahay qof bukaan ah, isla markaana aanay garanayn sharciga banaynaya in qof muwaadin ah oo aan maxkamad denbi ku cadayn iska xidhnaado, taas oo ay ku tilmaameen mid cadaaladda ka fog.

Hooyo Mako oo dhashay Wiilkaa ayaa marar badan ka dayrisay xaaladiisa caafimaad iyo Nololeed, waxayna sheegtay in wiilkooda haddii wax denbi ah lagu hayo aanu  dhawr bilood iska xidhnaadeen ee Maxkamad sharci ah la horgeyn lahaa.
Kooxda Dhalinyarada ah ee sirdoonka ka tirsaan iyo saaxiibkood Darmaan  ayaa lagu eedeeyay inay xidhiidh la leeyihiin kooxda Al-shaabaab, balse eedayntaa oo ah mid culus ayaa u muuqata mid soo gudhay. Kadib markii mudo afar bilood ku dhow ay ku xidhnaayeen xabsiga, iyadoo tiraba ilaa sadex jeer oo mudo kordhin Rumaan ahaan looga qaaday Maxkamadda, “laba goor oo 45 maalmood iyo 45 maalmood ah iyo mar 30 maalmood ah ayaa looga qaaday Maxkamadda, balse ma jirto maxkamad ilaa hada dhalinyardaa la hor geeyay oo xukun ku riday, welina waxay u xidhan yihiin sabab la’aan,  maadaama aan la hayn wax denbi ah oo loo haysto” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah ehelada dhalinyardaa oo sheegay in aanay weli fahmin sababta ay u xidhan yihiin.

Maxamuud Cabdiraxmaan  Nuur oo ka mid ah Qareenada u dacwoonaya dhalinyaradaa ayaa u sheegay shebekadda Arraweelo.com inay ka war sugayaan mudo kordhintii u danbaysay ee ay xeer ilaalintu ka dalbatay Maxmakadda Rafcaanka, taas oo uu sheegay inay ka danbaysay kadib markii ay sagaashan maalmood oo hore ka dhamaadeen, isla markaana ay suurta gal noqon weydaday in  Maxkamad la horgeeyo dhalinyardaa.
Dhinaca kale Marka laga yimaado xadhiga Axmed Darmaan oo ay saaxiibo yihiin dhalinyarda la wada xidhay ee  ka tirsan sirdoonka qaranka ayaa ka mid ahaa koox u badan dhlinyaro xiligii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo la wareegtay talada dalka la shaqaaleeyay, kuwaas oo aan khibrad iyo waayo aragnimo hore u lahayn shaqada ay hayaan, isla markaana aan la siin tababaro wanaagsan oo ay ku kasban karaan hawsha culus ee ay hayaan, taas oo sabab u noqon karta loolan dhinaca shaqada ah oo ka dhexeeya kuwa ay isku kooxda yihiin inuu saamayn ku yeesho xadhigooda.

Inkasta oo ay jiraan xoggo kale oo shebekadda wararka ee Arraweelo. com heshay oo sheegaya in dhalinyaradaa loo xidhay tuhun ah inay faafiyeen warar suuqa lasoo geliyay dhamaadkii Feberuary. Kadib  hawlgal ciidanka amaanka iyo kuwa sirdoonka Britain ka fuliyeen goor habeenimo ah goobo kala duwan oo  magaalada Hargeysa ah, kaas oo lagu qabtay dad tiradoodu gaadhayso ku dhowaad sagaashan qof, balse lasii daayay maalmo kadib markii qaar ka mid ah masuuliyiinta xukuumaddu fara gelin ku sameeyeen intii uu socday baadhitaanka dadka lagu qabtay hawlgalkaa, taas oo markii ay soo baxeen wararka sii deynta dadkaa oo hawlgal weyn lagu soo qabtay ka cadhaysiisay masuuliyiintaa sidaana lagu xidhay kooxda dhalinyada ah oo ay u tuhmeen in ay faafiyeen wararka la xidhiidha sii deynta dadka la qabtay ee baadhistu ku socotay oo wasiiro xukuumadda ka tirsani ka danbeeyeen.

Dhinaca kale  Qaar ka mid ah saraakiisha sirdoonka ayaa rumaysan in xadhiga dhlinayarada ka tirsanayd ciidankoodu aanu ahayn mid la xidhiidha falalka lagu eedeeyay, balse uu yahay mid dhexdooda ah oo ka dhashay loolan dhinaca shaqada ah, taas oo ay sheegeen inay tahay sababta ilaa hada loo layahay wax Maxkamad lagu horgeeyo.

Hay’adda Sirdoonka qaranka Somaliland  ayaa dhowaan loo ansixiyay Xeer ay ku shaqayaan, kaas oo awood u siinaya in mudo sadex bilood ah ay haysan karaan qofka loo qabto tuhuno la xidhiidha kooxaha argagixisada, balse xeerkaa ayaan waafqsanayn Dastuurka dalka ee damaad qaaday xoriyada qofka muwaadinka ah, kaas oo aan ogolayn in qofka layskaga hayo xabsi mudo dhawr bilood ah, iyadoo aanay jirin maxkamad xukun ku riday. 

Qaar ka mid ah Odayaasha ehelada dhalinyardaa ayaa todobaadkan ugu baaqay xukuumadda in xoroyadoodii loo soo celiyo dhalinyaradaa mar haddii mudo afar bilood ah aan la hayn wax denbi ah oo Maxkamad lagu horgeeyo, balse ilaa hada xukuumadda Somaliland wax jawaab ah kama bixin dhawaaqa ehelada wiilashaa, iyadoo ay suurta gal tahay inay jiraan dad kale oo sidan oo kale ugu xidhan xabsiyada, kuwaas oo aan Maxkamad xukun ku riday jirin, isla markaana u baahan inay helaan garsoor caddaalad ah.
warbixin arraweelo Human rights  Group

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *