Tasfya TayeHargeysa(Araweelo News Network)Munaasibad si weyn loo agaasimay oo lagu Xusayay sanad guuradii  22aad ee kasoo wareegtay markii xukunka laga tuuray  Talsikii Milateriga ahaa ee

Mingiste Hailemarim oo mudo dheer xukumayay dalka Ethiopia, ayaa laga qabtay xalay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Xuska Munaasibadaa oo ku beegan dhinaca Taariikhda dalka Ethiopia Labaatanka bisha Hayya-Gimbood, isla markaana loo asteeyay Maalinta Xoriyada dalka Ethiopia oo sanad walba laga xuso dalka Ethiopia waxa xuska loogu sameeyay caasimada Somaliland ee Hargeysa ka qayb galay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ( Cirro) ,Xubno Mid ah Golayaasha Qaranka, Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Xaaji Cali, Masuuliyiin ka socotay axsaabta qaranka,  Marti Sharaf kale iyo Jaaliyada Ethiopia ee ku dhaqan Somaliland.

Furitaankii xaflada loo sameeyay xuska Maalinta Xoriyada dalka Ethiopia waxa lagu soo bandhigay Films ka Turjumaya markii Xukunka Laga Tuuray talsikii Col. Migeste Hailamariam iyo sidoo kale  suugan ka turjumaysa taariikhda faca weyn ee dalka Ethiopia iyo Horumarka uu gaadhay dalka Ethiopia wixii ka danbeeyay markii meesha laga saaray dergigii dalkaa ka talinayay mudada dheer.

Safiirka Dawlada Ethiopia U Fadhiya Somaliland General Tasfya Taye oo hadal ka jeediyay munaasibadaa, ayaa  waramay qiimaha ay maalintani u leedahay dalkiisa iyo dadkiisa, isagoo ka sheekeeyey taarikhada iyo dhabaha loo soo maray xoraynta dalka Ethiopia.

General Tasfya Taye waxa uu ku tilmaamay xidhiidhka ka dhexeeya Ethiopia iyo Somaliland, kaas oo uu sheegay inuu yahay  mid wanaagsan oo ay iskaga kaashaadan dhinacyada Horumarka ,Nabad Galyada iyo iskaashiga labada dal.

Gudoomiyaha Golaha wakiiada Somaliland, isla markaana ah Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI,   Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo hadlay munaasinadaa ayaa ka waramay xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia, kaas oo uu sheegay inuu yahay sii xoogaysanaya.

Sidoo kale wasiirka wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlay xuska munaasibada maalinta Xoriyada Ethiopa ayaa ka sheekeeyay taariikhada Somaliland Iyo dalka Ethiopia, wuxuuna sheegay in ay wadaagaan taariikh fac weyn iyo halganka ay wadaagan ee xukunka lagaga tuuray Talisyadii Mingiste iyo Maxamed Siyaad Barre oo labaduba ahaa laba talis oo digtaytara ah.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *