Hargeysa(ANN)Xildhibaan Saleebaan Cabdillaahi Daahir ( Dogax ), oo ka mid ahaa koox mudanayaasha golaha deegaanka Hargeysa oo aan ka qayb gelin munaasibadii dhaarta iyo doorashadii Maayarka Hargeysa iyo ku xigeenkiisa, ayaa ku dooday inaan lagu soo wargelin fadhiga 

wax lagu doortay iyo dhaarta midna isaga iyo sagaal xildhibaan oo ka maqnaa fadhigaa, balse waxa carabka ku dhuftay inay la shaqeynayaan Maayarka iyo maayar ku xigeenka cusub ee Hargeysa.

Mr. Dogax oo ka mid ahaa afar xubnood oo  Urur siyaasadeedka Xaqsoor uga soo baxay golaha deegaanka Hargeysa, waxa uu hadalkaa ka sheegay shir jaraa’id oo uu -galabta ku qabtay magaaladda Hargeysa, kaas oo uu  xusay inaan  lagala tashan, isla markaana waxba lagala socodsiin, ama lagu wargelin maalintii doorashada Golaha deegaanka Hargeysa, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Waxa ugu horeeya oo aan doonayaa inaan si toos ah u taabto maalintii wasiirka arrimaha gudahu uu qadada noo sameeyay waxa uu noo sheegay in ay tahay maalin qado oo ay u baahan tahay marka fadhiga la qabanayo inuu annaga nagala tashado, halkaas oo aanu ku xusin wax tilaamaya in maalintii xigtay la qaban doono shir oo lagu fadhiisan doono waxna lagu dooran doono ama dhaarba la qaban doono.” ayuu yidhi Saleebaan Dogox.

Wuxuuna isagoo ka hadlaya sida ay isaga iyo kooxdii uu hogaaminayay ee aan ka qaybgelin fadhigaa ku oggaadeen doorashada Maayarka iyo Maayar xigeenka yidhi,   “ Badhasaabka cusub ee la magacaabay ayaa halkaas joogay Xamarji isaguna wax uu noo sheegay ma jirto idaacado wax laga sii daayay ma jirto, waxaan ku war helnay laba iyo tobankii habeenimo in dad is urursadeen. toban xildhibaan oo aan kamid ahaa cid nasoo ogaysiisay ma jirto, subaxii ayaa laysugu yeedhay markii aanu soo toosnay iyada oo aan wakhti iyo goob toona naloo sheegin, waxaanan ku soo toosnay iyada oo maayar iyo maayar ku xigeenba la doortay.” ayuu yidhi.

Xildhibaan Dogox, wuxuu isagoo ka hadlaya Maayarka Cusub ee Hargeysa iyo mawqifkooda ku aadan yidhi, “ Maayarka la doortay wax naga dhexeeya ma jirto, wax dhibaato ahna nama dhex marayaan haddii isaga la meesha la keenayna, waxaanan jeclaan lahaa inuu sidaas si ka wanaagsan ku iman lahaa. waanu la shaqaynaynaa waanan ku ilaalin doona inuu shaqada si wanaagsan u qabto.”

Sidoo kale wuxuu sharaxaad ka bixiyay sababta ay uga aamuseen markii ay maqleen in la doortay Maayarka iyo Maayar ku xigeenka ee ay maanta ula hadleen saxaafada, isagoo yidhi, “Waxa nala haboon in aan xaaladaas dhacday laga faa’idaysan oo aanay dhibaato ka dhacin oo aanay caruuri ku dhiman, taas ayaanu la aamusnayn waanan diidnay inta dareenku taagan yahay inaan hadalno oo dabka aanu baasiin ku sii qabano, waxaan filayaa in aan tan lagu eedayn karin ninka maayarka ah ee ay eedda iska leeyihiin dadkii hawsha waday.”ayuu yidhi Xildhibaan Dogox.

Dhinaca kale dhawaaqa Mr. Dogox ayaa kusoo beegmay. kadib markii Afar xildhibaan oo ka mid ahaa kuwii ay isku kooxda ahaayeen Xildhibaan Dogox  ay shalay kulan la yeesheen Maayarka cusub ee Hargeysa Eng,Yuusuf Warsame Siciid iyo Maayar ku xigeenka C/casiis Caga-weyne oo ay ka sheegeen kulankaa inay la shaqaynayaan oo ay gamcaha is qabsanayaan dhamaan xubnaha golaha deegaanka Hargeysa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *