Hargeysa(ANN) Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland  C/Casiis Maxamed Samaalle, ayaa maanta golaha wakiilada Somaliland hor geeyay Odoroska Miisaaniyada sannadka 2013, taas oo uu sheegay inay dhantahay 185 Milyan oo Dollar oo iskugu jira miisaaniyadda xukuumadda

dhexe iyo kabka dawladaha hoose.

Sidoo kale ay miisaaniyada sanadkan tahay mid ka badan 17% miisaaniyadii sanadkii hore, taas oo ay ku jiraan mashaariic horumarineed.  

Fadhiga uu Wasiirka Maaliyadda Somaliland ka jeediyay sharaxaada uu ka bixiyay Miisaaniyada, waxa  Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyada Somaliland C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Cirro), wuxuuna wasiirku  ka codsaday golaha wakiilada Somaliland inay ka gutaan waajibaadkooda distooriga ah ee ku cad qodobka 55aad ee distoorka qaranka.

Wasiirku Wuxuu Sheegay in Sannad Miisaaniyadeedkii sanadkan2013, ee sii galbayaa uu sidii loo qorsheeyay u soo wada xerooday dakhligii, wuxuuna  ku amaanay arrintaa Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

C/casiis Samaale waxaa kale oo uu ku sheegay in Miisaaniyadani 17% ka badan tahay tan sannadkan dhamaanaya iyadoo ay boqolkiiba toban ku baxayso Mashaariic horumarineed sida derejooyinka Ciidamada,Beeraha,Kalluumaysiga, Caafimaadka ,Dab-dabdamisyo dalka la keeno,Diiwaangelin cusub oo dalka laga hirgaliyo,Kun iyo Shan boqol oo Shaqaale Cusuba oo Wasaaradaha iyo hay’adaha dawlada ka shaqayn doona ,Xisbiyada oo ay u kordhiyeen dhaqaalihii ay Xukuumadu siin jirtay iyo kuwo kale.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in miisaaniyadani oo Odoroskeedu dhan yahay 185 Milyan oo Dollar, isla markaana iskugu jirta miisaaniyadda xukuumadda dhexe iyo kabka dawladaha hoose tiirarka ay ku taagan tahay ay kala yihiin Xukuumadda dhexe, Hay’addaha madaxa banaan, deeqaha caalamiga ah iyo Dawlada Hoose ee dalka. sidaa awgeed wuxuu ka dalbaday Mudanayaasha Golaha Wakiiladda inay ansixiyaan Miisaaniyaddan si loogu hawl-galo markay ansixiyaan.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland  C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo fadhigaa ka hadlay ayaa xukuumadda ku ammaanay inay sanadkan markii u horeysay Miisaaniyadda ku horkeentay Golaha xiligii sharcigu jideeyay. sidaa dateed wuxuu Gudoomiyaha wakiiladda Somaliland usoo jeediyay Mudaneyaasha Golaha inay ku dedaalaan sidii ay u ansixin lahaayeen miisaaniyadda si ay u dhaqan gasho bilowga sanadka 2013-ka.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *