Hargeysa(ANN)Wasiirkii Wasaaradda arrimaha debadda Somaliland ee Xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale, Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaa shalay shuruud la’aan ku wareejiyay furayaashii guri uu degganaa ku dhowaad labaatan sanadood, kaas oo uu si rasmi ah

ugu wareejiyay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye, muj. Maxamed Kaahin Axmed.
Talaabadan ayaa ka danbaysay kadib markii gurigaa oo ku qabsan deyrka dhismaha xarunta Madaxtooyada  ee dhinaca galbeed ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku amartay Wasiirka inuu ka guuro, taas oo ay xukuumaddu markii ay hadal haynta gurigaasi soo baxday kasoo saartay xeer sheegaya inay dhamaan guryaha ay dawladu leedahay la wareegayso.

Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo mudo ku dhow labaatan sanadood ahaa wasiirkii ugu cimriga dheeraa ee xukuumaddihii Marxuum Cigaal iyo Madaxweynihii ka danbeeyay ee Daahir Rayaale Kaahin, isla markaana ahaa mujaahid kasoo qaybqaatay halgankii dib u xoraynta dalka ee jabhadii SNM, wuxuu gurigaa shalay ku wareejiyay Af-hayeenka xisbiga Kulmiye Muj. Maxamed Kaahin isagoo aan shay ka qaadan wixii u yaalay oo isagu sida shakhsiga ah u lahaa, isla markaana aan qaadan wax aduun lacageed iyo guri loogu bedelay midna ka qaadan xukuumadda sida inta badan dadka shicibka ah ee guryaha dawlada ka baxaya loo sameeyo. 

Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo ah siyaasi mudo dheer kusoo jiray Siyaasada, isla markaana ahaa Wasiirkii ugu danbeeyay ee arrimaha debeda xukuumaddii Daahir Rayaale ee doorashadii 2010 lagaga adkaaday, wuxuu markii ay xukuumaddii uu ka tirsaan xukunka wareejisay noqday La Taliyaha Dawlada cusub ee South Sudan, isagoo saaxiibo badan oo Dublamaasiyiin, siyaasiyiin iyo hogaamiyayaal shisheeye kasbaday mudadii uu ku jiray siyaasada, balse maalmihii lasoo dhaafay ayuu yimi Somaliland, isagoo sida  wararka la xidhiidha socdaalkiisu sheegayaan  arrinta gurigaa u yimi, taas oo sabab u ahayd. kadib markii ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo tiraba inta la ogyahay laba jeer waraaqo digniin ah oo lagu amrayo inuu dhakhso uga baxo u keentay qoyskiisa.

Hase yeeshee sida ay xoggahaasi sheegayaan C /llaahi Maxamed Ducaale, waxa uu kulan arrintaa ku saabsan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, isagoo ku wargeliyay Madaxweynaha inuu ka baxayo gurigaa, balse uu Madaxweynaha ka codsaday inuu u soo diro cid  kala wareegta gurigaa.
Laakiin sida ay qaar ka mid ah qoyskiisu u sheegeen shebekadda araweelonews.com  Sadex maalmood ka hor oo ahayd kulankii Madaxweynaha kadib  ee uu balanqaaday C/llaahi Maxamed Ducaale inuu ka baxayo gurigaa waxa uu ku warhelay Ciidan Boolis ah oo  Wasaaradda hawlaha guud  usoo dirtay, taas la yaab ku noqotay Wasiirkii Hore ee Arrimaha Debeda C/llaahi Maxamed Ducaale iyo qoyskiisa, waxayna isaga iyo qoyskiisu markii ay ku war heleen ciidanka la dul dhigay waxay u guureen Huteelka Maansoor, iyagoo aan waxba ka qaadan hantidii u taalay gurigaa, isla markaana furihii guriga ku wareejiyay Muj. Maxamed Kaahin oo ah Afhayeenka Xisbiga Xukuumadda ee Kulmiye.

C/llaahi Maxamed Ducaale oo mudo ku dhow labaatan sanadood degaana gurigaa, wuxuu xilal Wasiirnimo oo kala duwan ka soo qabtay Xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka soo maray sannadkii 1993-kii illaa tii ugu dambeysay ee Daahir Rayaale oo  Madaxweyne Siilaanyo talada kala wareegay 2010-kii, waxaana  saxaafada somaliland xiligii Marxuum Cigaal u bixisay Bashaar ASad oo looga jeeday siyaasi dhalinyaro ah oo Madaxweynihii xiliggaa Marxuum Cigaal u carbinayay higaaminta dalka. sidii uu Madaxweynihii Suuriya Xaafid Al-Asad wiilkiisa hada Madaxweynaha ka ah dalka Suuriya Bashaar Al-asad ugu carbinayay hogaaminta dalka.

Iyadoo C/llaahi Maxamed Ducaale xiliggaa ahaa nin awood badan oo wasiiradu ka danbeeyaan, maadaama loo arkayay inuu Marxuum Cigaal ka dhigtay wiilkiisa oo kale, isla markaana ahaa aasaasayaashii xisbigii UDUB ee Marxuum Cigaal sameeyay, wuxuuna Markii xukuumadda Daahir Rayaale dhaxashay madaxweynihii geeriyooday sidii uga dhex muuqday xukuumaddii Daahir Rayaale, waxaana  lagu tilmaamaa inuu ka mid ahaa wasiirradii ugu cad-caddaa dhinaca horumarinta qaddiyadda Somaliland, taabba-gelinta nidaamka dawladnimada iyo aasaaska Nabadda iyo wada-jirka dalka iyo macaamilka wadamada jaarka la ah Somaliland iyo kuwo kale oo dacalada dunida ahba, taas oo dawlada Ethiopia ugu aqoonsatay inuu yahay C/llaahi Maxamed Ducaale ninkii kobciyay xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia oo ay ixtiraam iyo qadarin badan ugu hayso. sidoo kale wuxuu  dedaal dheer ka sameeyay sidii uu Beesha Caalamka iyo Ururada Caalamiga ahba ugu bandhigi lahaa qadiyada Somaliland iyo Geedi-socodka Hanaanka siyaasadeed ee ay shacbiga Somaliland wax ku soo dhisteen, iyadoo aanay cidna ka caawin arrimahaa.  

Balse Madaxweyne Siilaanyo oo ay xiliggii Marxuum Cigaal kuwada jireen golihii wasiiradda, isla markaana xiliigii halganka SNM ee uu Madaxweyne Siilaanyo u ahaa gudoomiyaha waxay dhaxal siisay inay si fiican isu bartaan. Laakiin mudadii uu Madaxweyne Siilaanyo hogaaminayay mucaaridka Kulmiye waxa uu C/llaahi Maxamed Ducaale noqday gidaar bir ah oo kasoo horjeeday mucaaradkii uu hogaaminayay Madaxweyne Siilaanyo, taas oo loo malaynayo inay dhaxal siisay xukuumadda Siilaanyo cadaawad siyaasadeed oo sababa inay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ula dhaqanto qaabkaa foosha xun, wuxuuna noqonayaa siyaasigii u horeeyay ee guri dawladu leedahay uga baxa qaabkan oo kale, iyadoo mudadii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo jirtay ay jiraan boqolaal guri oo suuq madaw lagu kala iibsaday iyo kuwo ay xuukuumaddu dad shicib ah oo dano gaar ah laga leeyahay siisay, ama ka iibisay.    
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *