Hargeysa(ANN)Suldaan Yuusuf Maxamuud (xiiray) iyo xildhiban C/laahi Ibraahim (dhugad) ayaa si wada jir ah jawaab uga bixiyay hadalo ka soo yeedhay qaar ka mid ah salaadiinta Awdal, taas oo ay ku tilmaameen inay tahay  arrin ay siyaasad kale ku jirto. Sidaa awgeed 

aanay cabashadoodu ahayn oo kaliya Taliyaha la bedelay, isla markaana aanay  haboonayn inay salaadiintu ka hadlaan Taliyaha la bedelay ee ay haboon tahay inay Nabada Dalka ka shaqeeyaan.
Suldaan Yuusuf Maxamuud (Xiiray) iyo Xildhibaan C/laahi Ibraahim Xirsi Dhugad, waxay sidaa ku sheegeen  shir jaraa’id oo ay xalay ku qabteen Hutel Dalxiis ee magaalada Hargeysa.
Waxaana ugu horeyn shirkaa Jaraa’id ka hadlaya Suldaan Yuusuf Maxamuud (Xiiray) waxaanu reer Awdal ugu baaqay inay xaal ka siiyaan Shacabka Somaliland qodobo aan qaban oo ay ku kaceen hadaladii Suldaanka waxa ka mid ahaa
“Horta Salaadiintu waa heer Qaran oo Qaranka matasha, Dawlada Somaliland Marxalado badan ayay soo martay, dalkana waxa nagaga tagay C/raxmaan Axmed Cali (C/raxmaan Tuur), Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (dhamaantood ILAAHAY ha u naxariistee), Daahir Rayaale Kaahin wuu tagay, intaas oo Madaxweyne ayaa isbedeshay waxaana keentay Dimuqraadiyada iyo Nidaamka maalinba heerka ay marayso aynu la jaan qaadayno, anagu intaba Suldaan baanu ahayn.
Waxaan doonayaa inaan ka hadlo Salaadiintan Reer Boorame ee hadashay Laba Suldaan oo qiimo badan horta weeyi Salaadiintuna qiimo ayay leedahay iyo qadarin Cayna ma gayaan aflagaadana ma gayaan, laakiin waxaanu dooneynaa marxalada salaadiintu leedahay, Siyaasiguna Marxalada buu leeyahay, Xildhibaanku Marxalada buu leeyahay Caaqilku marxalad buu leeyahay, Saladiin ahaan hadaan ku horeeyo anigu imika markaan meelahaa marayo waxay dadku igu yidhaahdaan waa kaa Suldaankii Dawladii hore taageeri jiray cay badan baana iga soo gaadha waa guul wade, UDUB buu u shaqeeyaa, umaan shaqeynayn anigu UDUB laakiin waxaan u shaqeynayay Qaranka in Nabad galyo lagu wada noolaado Beelaha Somaliland gacmaha is wada qabsadaan.
Intaa markaan ka soo noqdo 14 sanadood ayuu Madaxweynuhu Gobolka Awdal ka soo jeeday oo aanu ku ilaalinaynay oo aanu gaadhka kaga haynay oo ay leeyihiin waa nusqaan, waxaan leeyahay Gobolku laba eray Somaliland xaal ha ka siiyo, erayga koobaad waxa weeyi isagoo Madaxweynihii Daahir Rayaale Kaahin Madaxtooyada laba cisho ka sii maqan ayaa waxay reer Borama waxay la soo baxeen Calankii Buluuga ahaa ee Somalia, Somaliland nusqaan bay ku tahay taasi kamana gayaan Dalka arintaasi taa waxaan leeyahay xaal ha ka siiyo Gobolku (Awdal) Umada Somaliland, Erayga labaad waxa weeyi Dawladan waa la doortay shacabi baa doortay si fiican baa loo doortay, maamul ayaa la badalay, Madaxweynihii dalka joogay ayaa ka tagay, Wasiiradii ayaa la badalay, Badhasaabadii baa la badalay, Taliyayaashii ayaa la badalay, in nin Masuula oo Taliye ah oo la badalay ay Saladiintu ka hadasho, waxaan leeyahay Salaadiinta ereygaa ka noqda.
Anigu beeshaan ka soo jeedo Suldaan Xiiray ahaan ee Bariga Hargeysa, waxa nalaga badalay sagaal Wasiir iska daa kuwa kale hadaan maalintii shir jaraa’id qabto oon idhaa sidee loo badalayaa Sagaalka Wasiir Somaliland si kalay u arki laheyd arintaa waxaa leeyahay Salaadiinta ka noqda, Xukuumadda ha lala shaqeeyo Madaxweynahana Maamulkiisa ha loo daayo isagaa u madax banaane, Salaadiintana waxaan leeyahay Sideed sanadood baanu difaacaynay ina Rayaale oonu gaadh ka haynay oonu la shaqeynaynay.
Waxaan leeyahay Maamul baa isbedelay Maamulka talada ha loo daayo oo faraha ha looga qaado”
Waxa isna shirkaa jaraa’id ka hadlay Xildhibaan C/laahi Ibraahim Xirsi (Dhugad), waxaanu ku tilmaamay in reer Awdal waxa ay wadaan ay ka weyntahay Taliye la bedelay balse ay Baroortu Orgiga ka weyntahay hadaladii Xildhibaanka waxa ka mid ahaa
“Anagu hadaanu nahay Xildhibaanada Golaha Guurtida, waxaanu ku magac dheernahay oo aanu ka shaqeynaa Nabada, waxaanu maanta arkaynaa khilaaf maanta dhacaya oo umadda ka dhacaya oo dadkii maanta Madaxweynaha u ahaa Dalka ee Tobanka Sanadood Dalka u ahaa Madaxweynaha, oo laba bilood uu sii maqnaa Madaxweynuhu ay ka muuqato Barnaamij aan hagaagsanayn oo aad iyo aad u fool xun oo aan labada Dawladood ee dalka soo maray midna u wanaagsanayni uu ka muuqdo taasaanu caawa shirka jaraa’id u qabanay, Daahir Rayaale nin Reer Awdal ah, Salaadiinta, Baarlamaanka iyo Cuqaasha odaygooduu ahaa anaguna kamaanaan soo horjeedsan jirin.
Daahir Rayaale Salaadiintuu xidhi jiray oo uu jeelka dhigi jiray oo aan la odhan jirin Suldaan baad xidhay .wuxuu xidhi jiray Janaraalada iyo kornaylada oo aan la odhan jirin Janan ayuu xidhay, waxuu xidhi jiray cid alaale iyo ciduu doono, cid kasta oo magac leh wuu xidhi jiray wax qabiila oo ururay oo yidhi cid baad naga xidhay lama arag, Madaxweynihii dhacay Saladiinta oo dhan oo isku timaada oo wax ka codsata oo uu diidi jiray oo ay aayar iska tagi jireen.
Haddaba Reer Boorama haday leeyihiin saajin baa la badalay oo waanu mudaharaadaynaa oo Somaliland baanu ku kacaynaa waxaan u arkaa inay askari la bedelay ka weyn tahay arintaasi, markaa waa baroortii orgiga ka weyn.
Reer Awdaloow Dawladii aad hogaaminayseen Bil iyo waxbay sii maqan tahay miyaydaan afartan baxana la sugayn tana idinkaa ku xigeenka lehe, markaa arintaa inaad ka noqotaan ayaanu idinka codsanaynaa”.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *